Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo lagu qabtay xeebaha wadanka Ingiriiska

London (Caasimadda Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee Ingiriiska ayaa shaaciyay iney qabto tiro dad ah oo ay ku jiraan Soomaali kuwaas oo si sharci darro ah kusoo galayay gudaha UK, gaar ahaan xeebta Kent.

Wargeyska Kent Online ayaa wariyay in dad badan oo u kala dhashay wadamo dhaca qaaradaha Asia iyo Africa oo saarnaa lix doonyood oo kala duwan ay soo gaareen xeebta Kent, wadamada ay kasoo jeedaan waxaa lagu kala sheegay Yemen, Iran iyo Masar.

Sida warbixinta lagu sheegay shan dumar ah ayaa ku jira, lama oga tallaabada ay dowladda UK qaadeyso, wallow la ogyahay in muhaajiriin sidaan oo kale ah qaarna la celiyay qaarna xeryo la geeyay.

Wasiirka arrimaha socdaalka dowladda Britain (Chris Philp) iney sii xoojin doonaan tallaabooyinka ka dhanka ah qaxootiga doonaya inee kasoo tallaabaan xuduudka, wuxuuna si cad u sheegay in la xirayo lana celin doono.

Isbuucii lasoo dhaafay wadanka Faransiiska wuxuu iska diiday iney wadankiisa soo galaan muhaajiriin dhawr ah, dhawr isku day ayey fashiliyiin taasoo muhaajiriinta ku qasabtay iney u weecdaan dhanka UK oo xuduud la leh.

Magaalada Dover ayaa la geeyay dadkii la qabtay, waxaana la weydiin doonaa su’aalo, kadibna waxaa la ogaan doonaa tallaabada xigta.