Faransiiska oo ku howlan arrin halis ku ah muslimiinta ku nool dalkaasi (Warbixin)

Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa ku howlan qorshe ay si weyn uga deyriyeen dadka muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi, kaasi oo la sheegay in looga dan leeyahay wax loogu yeeray ‘la dagaalanka Islaamnimada xagjirka ah’.

Jean Castex, oo ah Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Faransiiska ayaa wacad ku maray inuu si hagar la’aan ah uu u difaaci doono siyaasada dowladiisa ee ku qotonta kala saarida Diimaha.

Castex oo ay siyaasadiisu tahay midigta dhexe ayaa si weyn ugu cel-celiya in dowladdiisu ay gacan bir ah ku qaban doonto wax uu ugu yeeray ‘Islaamnimada xagjirka ah’, taasi oo muslimiinta dalkaasi ay rumeysan yihiin in looga dan leeyahay, isla markaana loogu soo dhuumanayo mar-marsiyo argagixiso.

Muslimiinta ku nool dalkaasi Faransiiska ayaa wer-wer ka muujiyey qorshaha uu wado Castex, midaasi oo lagu beegsanayo islaamka sida ay sheegen ururo Islaami ah oo ka dhisan dalkaasi.

Ururadaasi ayaa dhowr jeer dowladda Faransiiska u gudbiyay dalabyo ku aadan wax ka badal lagu sameeyo siyaasaddaasi, taasi oo ay dowladda Faransiisku iska dhago tirtay.

Castex ayaa ku doodaya in qorshihiisa looga baaqsanayo falalka argagixisada iyo weliba kooxo uu sheegay inay doonayaan usoo dhawaanshaha qowmiyadaha ama diimaha-ba.

Qorshahan cusub ee walaaca ay ka muujiyeen Muslimiinta dalka Faransiisku ayaa waxa uu si rasmi ah usoo bixi doona dhawaan, iyada oo sida la rumeysan yahay ay ku lifaaqnaan doonaan sharciyo si gaar ah culeys u saaraya Muslimiinta.