Xog: Tirada rasmiga ah ee xildhibaannadii la kulmay madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayaa waxaa ku ogaanay tirada rasmiga ah xildhibaanadii xalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warbaahinta oo ay ku jirto Caasimada Online ayaa horey u werisay in xildhibaanada ay gaarayeen ku dhowaad boqol, waxaana warkaas laga soo xigtay oo warbaahinta siiyey xubno ka mid ah Villa Somalia iyo xildhibaano waday qorshe kale.

Si kastaba, Xildhibaano gaaraya ilaa 6 qof oo aan kadib la hadalnay iyo qof ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa noo sheegay in xildhibaanadii xalay la kulmay Madaxweynaha ay ahaayeen 40 Mudane halka mooshinka kulankana ay saxiixeen ilaa 60 qof.

Xildhibaanadaan oo u badan koox ku xiran xafiiska Madaxweynaha islamarkaana dagaal siyaasadeed kula jira Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada laga soo doortay, ayaa ujeedkooda ahaa in lagu adkeysto doorasho qof iyo cod ah.

Doorasho qof iyo cod ah ayaa la isku raacsan yahay inaysan dalka ka dhici karin, balse ujeedku ayaa ah in waqti lagu lumiyo si loo helo muddo kororsiga uu ku taamayo madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada aan la hadalnay ayaa sheegay inuu jiray heshiis ah in warbaahinta iyo dadweynaha loo sheego in tirada ay aheyd 100 qof, si loo cabsi geliyo dad ay sheegeen in aysan ku qanacsaneen qorshaha ay wado Villa Somalia oo ah qabashada doorasho qof iyo cod ah.

“Waxaan aheyn 40 qof, waxaana Madaxweynaha kala hadalnay in dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah sharcigii baarlamaanka meel mariyay,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan xubnihii Xalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo.

“Qeybta dambe ee Madaxtooyada ayuu kulankaan ka dhacay waxayna Xildhibaanada ahaayeen 40, dad kale ayaana goob joog ahaa,” ayuu yiri masuul aan qarinay magaciisa oo ka tirsan Villa Somalia.

Abaabul iyo is kooxeysi xoog leh ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo ay wadaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo ku kala aragti duwan doorashada Soomaaliya.