Somaliland oo war cusub oo lama filaan ah kasoo saartay wada-hadallada DF Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Hargeysa, isagoona ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay dib uga furmi laayihiin wada-hadallada labada dhinac.

Kulankaaasi ayaa waxa kale oo madaxweynaha ku wehlinayay xisbiyada mucaaridka, kuwaasi oo si wada-jir ah safiirka ugu sheegay in xukuumada Somaliland ay diyaar u tahay inay dib u bilowdaan kulamadaasi oo ka furmi lahaa dalka Jabuuti.

Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay tiraba labo jeer usoo gudbisay cudur daar ay kaga baaqsaneyso dib u furista shirkaasi, midaasi oo meesha ka saartay balantii la iskugu soo hor fadhiisan lahaa miiska wada-hadallada, horseedna u noqoneysa fashilka wada-hadalladaasi.

Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee toddobaadka soo socda ka furmi lahaa dalka Jabuuti ayaa u muuqda mid markale baaqday, xili ay dowladda federaalku ku howlan tahay shirar ku aadan doorashada dalka.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay inay aad u hooseyso suurta-galnimada ay wada-hadalladaasi dib ugu furmayaan, iyada oo labada dhinac si dadban uga cago jiidayan in markale ‘madaxa la is daro’, maadama aan si dhab ah loo abaareyn arrimaha masiiriga ah.

Somaliland ayaa iyadu ku doodeysa inay tahay dal madax-banaan, halka dowladda federaalku ay taasi badelkeeda ku madax adeygayso, waana sababta u weyn ee la rumeysan yahay inay hor taagan tahay in heshiis wax ku ool ah uu kasoo baxo wada-hadallada labada dhinac.