Dowladda Somalia oo soo saartay DIGNIIN ku socota dadka ka safraya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saartay uga digtay dadka ka safraya Muqdisho in shahaadada caafimaadka ee safarka ee Covid-19 aan laga qaadan karin meel ka baxsan sheybaarka qaranka ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in waraaqaha shahaadada safarka ee la xiriirta Covid-19, ee laga soo qaato goobo ka baxsan sheybaarka qaranka ay u aqoonsaneyso waxba kama jiraan baalmarsan hanaanka baarista ee Covid-19.

Sidoo kale waxa war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in xarunta Sheybaarka Qaranku ay heysato aqoosiga baarista COVID-19, isla markaana ay leedahay tiraac iyo sumadda sheybaarka dhexe ah.

War-saxaafadeedka ayaa waxa kale oo lagu xusay in wasaaraddu diyaarisay hab online ah oo lagu hubinayo in qofka wata shahaadada uu ka soo qaatay sheybaarka dhexe oo lagu diyaariyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntiin waxa lagu sheegay war-saxaaafadeedkaasi in isbitalaada De Martino iyo Banaadir ee magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa ay kasoo qaadan karaan dadka safraya waraaqaha caafimaad ee safarka, kuwaasi oo la xiriira cudurka Covid-19.

Waxaana xusid mudan in Wasaaraddu aysan marnaba cadeyn in wax kharash ah laga rabo qofka baaritaanka Covid-19 maraya si uu dalka uga safro, iyada oo baaritaanka cudurkaasi uu hore u ahaa mid bilaash ah.

Digniinta Wasaarada ayaa imaneysa xili dadka ka safraya garoonka magaalada Muqdisho lagu xiro waraaq cadeynaysa bad-qabkooda ku aadan cudurka Covid-19, iyada oo dalalka ay u safrayaana uga baaqsada galida karantiil todobaadyo ah.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka wasaaradda