Xog: Masar oo heshiis cusub la galaysa Somaliland, xilli ay xiisad kala dhaxeyso DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ku howlan sidii ay xiriir cusub iyo heshiis diblumaasiyadeed ula saxiixan laheyd xukuumada Somaliland, xili ay taagan tahay xiisad ka dhex aloosan dowladda federaalka.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa tibaaxaysa in xubno ka socda dowladda Masar ay booqasho aan shaacsaneyn ay ku yimaaden caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysay xukuumada Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi.

Masar ayaa xiligan fursad muhiim ah u aragta inay garabka saarto Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, wallow aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi caalami ah.

Go’aanka Masar ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay kala safatay Itoobiya, oo ay kala dhaxeyso xiisadda biyo-xireenka webiga Nile.

Somaliland iyo Masar ayaa la filayaa inay wakiilo is weydaarsadaan, sidii ay dhawaan isku weydaarsadeen Taiwan, kadib heshiis is-afgarad oo dhex-mari doona labada dhinac, taasi oo walaac xoogan ku abuureysa dowladda federaalka iyo Itoobiya, oo iyagu hal dhinac ah.

Itoobiya ayaa iyada laftigeedu xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan la’leh Somaliland, inkasta oo uu muddooyinkii dambe u muuqday mid hoos uga dhacay meeqaamkaasi, waxayna arrintan u horseedi doonta xiisad hor leh.

Dowladda Masar ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay Saldhig millateri ka sameysato gudaha Somaliland, iyada oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn goobta ay ka sameysan doonto, taasi oo  ay ka wada-hadleen madaxweyne Muuse Biixi.

Heshiiska cusub ee lagu wado inuu dhawaan dhex-maro Somaliland iyo Masar ayaa sarre usii qaadi doona xiisada webiga Nile-ka oo ay si weyn ugu muransan-yihiin Itoobiya, oo dowladda federaalka ay yihiin saaxiibo dhow.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyadu dhawaan diiday dejinta diyaarad ka timid Masar oo siday xirmo hub kala duwan ah, taasi oo ay uga baaqsaneyso sida ay sheegtay inay lugaha la gasho muranka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, sida uu sarkaal Soomaali ah u xaqiijiyey Wargeyska The Sunday Telegraph ee UK.

Dowladda federaalka ayaa iyadu si dad-ban ula safatay dowladda Itoobiya, oo Ra’iisal wasaaraheedu uu galan-gal xoogan ku leeyahay arrimaha Soomaaliya, iyada oo raali-gelina ka siisey taageero ay mar u muujisay dowladda Masar.