Xog: SOMALILAND oo ka hortimid qaadista dacwad ka dhan ah Looge Yuusuf

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba diiday in deegaanadeeda laga furo dacwad ka dhan ah Looge Yuusuf Cali, loona yaqaano Maxamed Cawaale, oo ah Maamulaha iyo mulkiilaha shirkada Future Traders oo lagu soo eedeyay arrimo xatooyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Looge Yuusuf ayaa muddo ku siman 1-bil ku xirnaa magaalada Muqdisho, iyada oo ay haysteen Hay’adda FRC iyo qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, isaga oo markii lasoo daayay u safray deegaanada Somaliland, isla markaana maray dhinaca dhulka.

Looge iyo xubno kale oo ka tirsanaa Future Traders ayaa loo haysta lacag ay dhigteen dadweynaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loogu sheegay in faa’iido looga sameyn doono suuqa sarifka lacagaha qalaad ee FOREX.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba diiday in dacwad ku saabsan eedaha loo haysto Mulkiilaha Future Traders laga furo maxkamadaheeda, xili uu Looge Yuusuf ku sugan yahay gudaha deegaanadeeda.

Somaliland ayaa ku doodeysa in muwaadinkaasi uusan wax dambi ah ku galin deeganadeeda, isla markaana maxkamadaheeda laga furi karin kiis yaala magaalada Muqdisho.

Looge Yuusuf ayaa horaantii sanadkan magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Wasiirka cadaalada Somaliland, taasi oo la rumeysan yahay in go’aanka ay Xukuumada Somaliland qaadatay uu qeyb ka yahay kulankaasi.

Shirkada  Future Traders oo kamid aheyd shirkadaha ka shaqeeya suuqa sarifka ee FOREX oo muddooyinkii dambe kusoo badanayey magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaanba albaabada loo laabay.