Wasiir Oomaar oo ka hadlay kulankii uu Garoowe kula yeeshay Axmed Madoobe

Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa muddo dheer kadib Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland kulan ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Axmed Madoobe iyo Oomaar ayaa horey isugu qabtay doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo oo mar kale dib Madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana xusid mudan in Oomaar uu kamid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeestay doorashadaas.

Tallaabadii keentay inuu aad usii xumaado xiriirka labadaan shaqsi ayaa aheyd markii Wasaaradda Gaadiidka ay ku dhawaaqday in la joojiyey duulimaadyadii Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, sidoo kalana la amray diyaaradaha u socdo Kismaayo iyo deegaanada Jubbaland inay soo maraan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ujeedadii ugu weyneyd ee diyaaradaha Kismaayo loo xayiray ayaa aheyd in la baajiyo xafladdii Caleema saarka ee Axmed Madoobe, balse ugu dambeyn waxaa dhacday xaflad ay kasoo qeyb galeen siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Sheekh Shariif.

Qoraal kooban oo uu Wasiir Oomaar soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu Garoowe kula kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe, hayeeshee uu weli sidiisii yahay kala ragti duwanaanshihii ka dhaxeeyay.

“Caawa iyo Martisoor Garoowe. Kala duwanaashaha fikirka siyaasadeed waa halkiisii” sidaasi waxaa yiri Wasiir Oomaar oo qoraalkaan kooban soo dhigay Bartiisa Facebook, waa mid uu ugu jawaabayay hadal heynta kulanka ka dhalatay.

Kulanka oo  aan weli faah faahin rasmi ah laga bixin ayaa waxaa sidoo kale wararka aan helay ay sheegayaan inay jiri doonaan kulamo kale oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb oo uu dhawaan ka dhici doono shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.