Xog: Wada-hadallo lagu afgambinayo Xaaf oo ka socda Dhuusomareeb

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudug.

Diyaaradda siday wafdiga ayaa si nabad uga degtay garoonka, iyadoo markii hore ay soo baxayeen warar sheegaya in Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Xaaf ay gaadiidka dagaalka la galeen garoonka, si aanay garoonka diyaarad uga soo degin, hase ahaatee warkaas ayaa waxba kama jiraan noqday.

Wasiirka ayaa waxaa wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyadoo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Ahlusuna, rag ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia.

Goor sii horeysay war ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray Shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadi karin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ka imaanaya Muqdisho, hase ahaatee amarkaas ayaa ka dhaqan geli waayay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku xooggan yihiin Ahlusuna.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Dhuusamareeb ayaa xaqiijinayo inuu Madaxweyne Xaaf galay go’doon siyaasadeed kadib markii ay Ahlu Sunna ku adkaysatay in ay dhageesaneyso qorshaha ay Dowladda wadato.

Xaaf oo qorsheenayey inuu Galabta  isaga baxo Magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay Ahlu Sunna u wareegtay dhanka Dowladda Soomaaliya ayaa laga codsaday inuusan ka bixi karin Magaalada.

Xaaf ayaa Galabta kusii jeeday Magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayey inuu safarkiisa noqdo mid dhanka dhulka ah balse waxaa arrintaas ka hor imaaday Ahlu Sunna oo ka codsaday inuu sii joogo.

Wararka kale ee ugu dambeeyo wada hadalka Dowladda iyo Ahlu Sunna u dhaxeeyo diiradda lagu saarayo sidii Ahlu-Sunna u aqbali lahayd doorasho dhacdo taasi oo meesha ka saareysa Xaaf.

Wararka ayaa sheegaya inay Dowladda halkaas geysay lacag u dhaxeyso 1.5 Malyan illaa 2 Malyan taasin ay diideyn Ahlu Sunna Wal Jameeca oo sheegay inaysan lacagtaas ku filneyn agoontii ay ka dhinteyn ciidamadii u dagaalamay Ahlu Sunna.

Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna Wajmacaada ee Gobalada Dhaxe Sheekh Macalin Maxamuud Xasan ayaa heshiis qarsoodi ah la saxiixday Dowladda Soomaaliya si meesha looga saaro Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah Madaxweynaha Galmudug, waxaana muuqato inay Dowladda xataa ka baxday is afgaradkii hore ay la gaartay Macalin Maxamuud iyo lacagtii la isku afgartay.

Macalin Maxamuud ayaa la ogaaday inuu Dowladda Soomaaliya la galay is afgrad ku aadan in Galmudug ay ka dhacdo doorasho si loo soo dhameeyo xiisadda u dhaxeyso Dowladda Dhexe iyo Maamulkaas.

Sida illo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimada Online,  Macalin Maxamuud ayaa Dowladda Soomaaliya la afgartay inay bixiso 4 Malyan oo Dollar si uu Maamulka Ahlu Sunna uga dhaadhacsiiyo inay aqbalaan doorasho ka dhacdo Galmudug balse waxaa hadda soo baxayo inay Dowladda halkaas geysay lacag intaas ka yar.

Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa Dowladda kula heshiiyey in wiilka uu dhalay ee Cabdisamad Macalin Maxamuud la siiyo xil warsiirka arrimaha gudaha ah.

Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale Dowladda kula heshiiyey in Gabar uu dhalay loo magacaabo Safiir inkastoo aysan weli noo suurtagelin inaan helno wadanka Safiirka looga dhigi doono.

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka socdo wadahadlo xasaasi ah, waxaana la filayaa in illaa berri la heshiiyo ama lagu kala tago, sidoo kalana warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo inuu Xaaf Berri isaga tagi doono Magaaladaas isagoo saldhigan doono Magaalada Gaalkacyo.

Xaalada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay xoogeysatay, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay soo saartay war saxaafadeed ku aadan doorashada Galmudug, in la qabto shirweyne dib u heshiisiin iyo in muddo xileedka Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com