Xog: Wadahadal u billowday madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa wada dadaalo dib loogu furayo kulamadii Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare, oo aan qabsoomin tan iyo markii uu furmay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya 6-bishii June ee sanadkaan.

Dhowr qof oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa Caasimada Online u sheegay in Xildhibaano kala taabacsan Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay wadaan dadaalo xal loogu raadinayo muranka labada dhinac oo shaqadii Baarlamaanka saameen weyn ku yeeshay.

Dhowr kulan oo Aqalka Sare qaban lahaa ayaa waxaa arbushay Senataro ku xiran Villa Somalia, oo kasoo horjeeda sida Cabdi Xaashi uga horyimid madaxweynaha.

“Waan iska aragnay sidii arrintan loo xalin lahaa, dadaal fiican ayaana noo socdo, annaga waxaan aaminsanahay iyadoo arrinta aan laga xilin Villa Somalia in Xildhibaanada saaxiibadeyn ee kulamada diidan aan la xalin karin waana wadnaa dadaalkaas,” ayuu yiri Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaanadaan ka tirsan Aqalka Sare ee aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Aqalka Sare hadda aysan jirin wax shaqa ah oo horyaalla, oo aan ka aheyn hal sharci oo ka soo gudbay Golaha Shacabka, taasina ay qeyb ka tahay sii xirnaanshiyaha fadhiyada Aqalka Sare.

Si kastaba, Aqalka Sare ayaa doonaya in lasoo mariyo dhammaan sharciya la xiriira xeerka doorashooyinka ee Golaha Shacabka uu ansixiyey balse guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal ayaan sheegay in Aqalka Sare aanu lahayn sharciyaddaas.

Xubno ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore Madaxtooyada Soomaaliya ugu eedeeyay in ay ka dambeeyaan khilaafka Golaha Dhaxdiisa ah islamarkaana Senatorada qaar lagu amray in aysan tagin fadhiga Baarlamaanka, halka kuwa la eedeeyay ay Guddoomiyaha Aqalka Sare ku eedeeyeen ku xad gudub dastuurka ah.