Mahad Cawad oo shuruud adag ku xiray ansaxinta miisaaniyadda dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta akhrinta koowaad ku marsiiyey ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2020-ka. Waxaana golaha ka hor akhriyay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda weydiiyey su’aalo ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadlkan. Waxaana xubnahaas ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiye Cawad ayaa wasiirka maaliyadda su’aalay sababta ay wasaaradda maaliyadu u bixin weysay labadii bilood ee lasoo dhaafay gudahood uusan u bixin xuquuqda xildhibaanada baarlamaankii sagaalaad ee dalka.

Waxa uu sheegay in ayada oo aan lacagtaas la bixin aanay marnaba anisixin doonin miisaaniyadda.

“Wasiirka horay waxaan u iri miisaaniyad hanoo soo raadsan, hadii aadan bixin xuquuqdii xildhibaanadii hore, hadana waan ku soo celinayaa Mudane Wasiir tana ansxin meyno hadaadan bixin xuquuqda xildhibaanadaas” ayuu yiri Mahad Cabadalla Cawad.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Waa laba bilood balantu waxay aheyd in bilihii Maarso iyo May aad bixiso xuquuqdaas, bishii hore waa ku mahadsanyahay wasiirku balantii waa fuliyey, balse hada bishii July ayaan ku jirnaa bishii May laba biloodbaa lasoo dhaafay waxaan kaa rabnaa, sababta aad u bixi weysay in aad noo cadeyso goorta aad bixineysana in aad cadeyso, horteedna wax miisaaniyad ah oo laguu ansixinayo ma jirto.”

Hoos ka Daawo