Sawirro: Cali Mahdi, Xasan Sheekh iyo Shariif oo ku kulmay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa guriga uu ka deganyahay magalada Muqdisho waxa ay ku booqdeen Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, iyagoo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh oo hada hoggaamiya xisbiyada ku bahoobay Madadsha Xisbiyada Qaran ayaa Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed ugu tegay salaan iyo is xog wareysi waxayna si qotta dheer uga wada hadleen “baahida loo qabo in lala yimaad dadaal samata bixineed oo ku aaddan xaaladda uu hada dalku ku jiro” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in seddaxda madaxweyne ay si gaar ah uga wada hadleen “Arrimaha doorashooyinka dalka oo weli mugdi ku jiro, hannaanka loo marayo iyo kala aragti duwanaashaha baahsan ee ku aaddan arrimahaas iyo curdinnimada hannaanka dowladnimo ee dalka.”

Madaxdan ayaa sida lagu sheegay qoraalka isla qaatay in laga hor tago dhibaato kasta oo ku imaan karta habsami u socodka dowladnimo iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliya “taas oo u baahan in laga hor tago, si looga baaqsado qataraha soo wajihi kara markale Qaranimada Soomaaliya.”

Waxyaabaha sida gaarka ah uga wada hadleen Madaxweyneyaasha waxaa ka mid ahaa “Inuu mira dhalo shirka u socda Beesha Mudullood, waxaana la dhiirra geliyey in shirarka nuucaas ah oo bulshadu uga tashaneyso aayaheeda la xoojiyo lana gaarsiiyo heer Qaran.”

Sidoo kala madaxda ayaa isla gorfeeyay baahida loo qabo dib u heshiisiin dalka ka dhacda guud ahaan si umadda Soomaaliyeed markale uga tashaadaan aayahooda gaar ahaan arrimaha taagan oo kamid yihiin doorashooyinka lagu wado inay dalka ka bilaawdaan dabayaaqada sanadkan.

Ugu dambeyntii kulankaas waxaa lagu falanqeeyey ‘shirarka beesha Muddullood uga socda Muqdisho iyo in baahi loo qabo in la dhiirri geliyo habsami u socodkiisa ayna gaaraan heer Soomaaliya oo dhan ah.’