Xog: Wafdi uu Guudlaawe diray oo tegay Beledweyne, si gaar ahna u calaameystay…

Beledweyne (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, waxaa magaalada Beladweyne safar aan la shaacin ku tagay xubno Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabelle.

Ujeedada socdaalka mas’uuliyiintaan ayaa lagu sheegay inay Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle u wadeen fariin ka timid Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo in ay soo indha indheeyaan ilaha dhaqaalaha ee magaalada iyo goobaha ugu amniga roon Beladweyne.

Si rasmi ah looma oga sababta ay u raadinayaan xaafadaha ugu amniga badan Beladweyne, gaar ahaan aagga ay degto beesha Gaaljecel, waxaase soo baxaya warar sheegaya in uu socdo qorshe magaaladaas lagu geyn doono Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Inkastoo aan warbaahinta lala wadaagin wafdigaan ka socda xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle, ayaa haddana waxaa sawiro la baahiyay ka soo muuqday agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada HirShabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo sidoo kale ah gacanyaraha Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Muqdisho iyo Beladweyne waxaa si weyn looga dareemayaa dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda HirShabeelle gaar ahaan sidii ay Beladweyne uga dhici laheyd doorasho xildhibaano federaal uu maamulkeedu hayo Madaxweyne Cali Guudlaawe. 

Sidoo kale, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaa la filayaa in dhowaan dowladda Soomaaliya ay guddi u dirto magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xalin lahaa cabashada ay maamulka HirShabelle ka qabaan beesha Xawaadle.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka dalbaday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeyso sidii uu maamulkiisa ku tagi Beladweyne oo la filayo in lagu soo doorto qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdigan la dirayo ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda uga hortageyso olole uu waday Sheekh Shariif oo ku aadanaa xal u raadinta xiisadda ka dhex oogan Guudlaawe iyo beesha Xawaadle.