QM, Sacuudi, Imaaraadka iyo Masar oo ka wada-hadlay doorashooyinka Soomaaliya

Dubai (Caasimadda Online) – Ergeyga Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya James Swan ayaa booqasho ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Masar.

James oo booqasho ku tagay magaalooyinka Dubai, Riyadh iyi Qaahira ayaa kulamo kala duwan halkaa kula qaatay xubno heer wasiiro ah oo ka socday dalalkaas iyagoo ka wada-hadlay arrimo badan.

Waxyaabaha ay ka  wada hadleyn mas’uuliyiintaan ayaa waxaa kamid ah arrimaha amniga, doorashooyinka Soomaaliya  iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Kulanka oo kuso aaday xilli ay Soomaaliya ku jirto xilli doorasho ayaa waxay dhinacyada soo dhaweeyeen qaabka ay socoto qaban qaabada arrimaha doorashada iyo jadwalka ay soo saareen madaxda Soomaalida.

Dhinacyada ayaa isku fahmay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii doorashada Soomaaliya ku dhici laheyd si nabadgayo, xalaal iyo is ogol ah.

James Swan ayaa muddooyinkii dambe waday safaro uu ku tagayo wadamada saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna horey ula kulmay masuuliyiin ka tirsan  wadamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya  oo dhowr goor oo horey uu dib u dhac ku yimid, ayaa waxaa hadda la qorsheeyey in ugu dambeyn lasoo geba-gebeeyo 10-ka October, markaasi oo ah xilliga la dooranayo madaxweynaha, inkasta oo shaki badan uu ku jiro in jadwalka cusub uu hirgeli karo, dib u dhac la’aan.