Qoor Qoor oo tagaya Wisil iyo howl-gal culus oo socda

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminaayo oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago deegaanka Wisil oo dhawaan uu ka dhacay weerar ay dad badan ku laayeen kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa inta uu ku sugnaa Gaalkacyo bilaabay kulamo looga hadlayo xaaladda Amaan ee gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay aad u xumaatay.

Qoor-Qoor ayaa Mas’uuliyiintii iyo odayaashii kala duwanaa ee uu la kulmay kala hadlay howl-galo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib weeraradii u dambeeyay ee ay ka fulisay deegaanada maamulkaas.

Waxa uu sheegay inay qaadi doonaan howl-galo deegaanada maamulkiisa looga sifeynayo dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo dhawaan dad badan oo iskugu jira ciidan iyo dad rayid ah ku laayay deegaanka Wisil.

Ciidamada Galmudug oo gacan ka helaya kuwa dowladda federaalka ayaa gaaray deegaanka Wisil iyo deegaano kale oo maamulkaas ah, si ay u fuliyaan howl-galo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah.