Al-Shabaab oo la wareegay deegaan 16km u jira Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaan istiraatiiji ah.

Saaka aroortii hore ayay ciidamada Al-Shabaab dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Afcagaag oo kaabiga ku haya degmada Guriceel.

Sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen, kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gaareen deegaankaas daqiiqado kadib markii ay ciidamada maamulka ‘Galmudug’ ay isaga baxeyn Afcagaag oo qiyaastii 16Km u jirta Guriceel.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dagaal la’aan kula wareegay deegaankaas, waxayna bartamaha Degmada ka taageyn calanka madow oo ay caan ku tahay kooxdaan.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale ay xoogaga Shabaab ula wareegeen tuulada Dabarre oo qiyaastii 30Km ujirta Guriceel.

Maamulka Gamudug weli wax war ah kama soo saarin deegaanada ay Al-Shabaab la wareegeyn ee u dhow Guriceel.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh ka wado Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxayna todobaadkii hore weerar culus kusoo qaadeyn Magaalada Wasil oo muhiim u ah isku xirka jidka Gaalkacyo iyo Hobyo.