Xog: Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland oo is-casilaad gudbiyey + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Golaha Guurtida u gudbiyey waraaq is-casilaada, isagoo ku wargeliyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, is-casilaada guddoomiye Saleebaan ayaa waxaa dhinaciisa ka aqbalay madaxweynaha Somaliland, waxaana kursigaas buuxin doona Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Maxamed Kaahin, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxa uu xilkaas sii hayn doona ilaa inta laga soo dooranayo golaha guurtida cusub, xili ay dhawaan deegaanada Somaliland ka dhaceen doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada.

Guddoomiye Saleebaan ayaa waxay is-casilaadiisu imaaneysa xili ay mudaneyaasha goluhu baneynayaan kuraasta mudada badan ay ku fadhiyeen, taasi oo loo sababeynayo is-casilaadiisa.

Si kastaba, waxaa la filayaa in maalinta Sabtida ah uu guddoomiyaha ka hadlo waraaqda is-casilaada ah ee uu gudbiyey golaha, ee uu aqbalay madaxweynaha