Guterres oo Mareykanka u diray baaq ku saabsan Iran

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si dabacsan uga hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee u dhexeeysa wadamada Mareykanka iyo Iran ee ka dhalatay ka bixitaanka heshiiskii barnaamijka Nukliyeerka ee 2018-kii.

Antonio Guterres ayaa ugu baaqay maamulka Joe Biden inuu qaado cunaqabateynta haatan saaran Iran, taas oo sare u qaaday dagaalka siyaasadeed ee labada dal.

Sidoo kale wuxuu ka codsaday dowladaha Mareykanka iyo Iran inay dib ugu laabtaan heshiiskii Nukliyeerka ee soo baxay sanadkii 2015-kii.

“Waxaan ka codsanayaa Mareykanka in uu qaado ama ka tanaasulo cunaqabateyntiisa,” ayuu ku yiri xoghahaya guud ee Qaramada Midoobay.

Guterres oo warbixin siinayey golaha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan-yahay dadaallada dhowaanahan socday ee ay sameynayeen labada dhinac.

Xiisada Mareykanka iyo Iran ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii uu Trump ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee bishii May ee 2018-kii, isagoo kadib cunnaqabateyn saaray Iran.