Xog-warran: Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya (Qeybtii 10-aad)

By Asad Cabdullahi Mataan

Qiimeynta Dawladnimada

Xeeldheerayaasha aqoonta u leh qiimaynta heerka dawladnimo, waxay dal kasta ku cabbiraan heerka uu ka joogo qodobbada hoos ku xusan oo asaas u ah marka la doonayo in dal la qiimeeyo:

  1. Nabadgelayada
  2. Adeegga Bulshada
  3. Dhaqaalaha

Haddaba, waxaan jeclahay inaan qodob qodob uga xog warramo isla markaana ku miisaamo heerka uu dalkeennu ka joogo.

  1. Nabadgelyada

Nabadgelyadu waa qodob aad iyo aad u muhiim ah waxaana ku lammanan qodobbo kale oo iyaguna la’aantood aanay suurtogal noqon karin in la helo nabadgelyo buuxda.

Marka ugu horreysa, waxaa shardi ah inaan isku afgaranno in dal uu u xaddidan yahay dhul, bad iyo hawo cayiman, awoodna u leeyahay inuu ilaashado isagoo adeegsanayo ciidammadiisa kala duwan ee amniga. Tan labaad, waa inay ku nool yihiin dad ku abtirsada dhulkaas iyagoo u sii kala baxayo qowmiyado, caqiido, luqado, dhaqan iwm, laakin ay dalka u wada siman yihiin.

Dawlad kasta waa inay ku dadaashaa sidii ay ciidammadeeda ugu tababari lahayd uguna tayayn lahayd sidii ay waajibaadkooda ugu gudan lahaayeen sida ugu habboon, iyagoo eegaya maslaxadda guud ee dalka kana wada dhexeeyo. Ciidammadu, iyagoo garabsanayo shurrucda dalka iyo waajibaadkooda waa inay ka soo baxaan mas’uuliyadda weyn ee ka saaran ilaalinta xuduudaha iyo nabadgelada dalka. Si ay taasi u hirgasho, waxaa lama huraan ah in la siiyo tababarro iyo xirfado  kala duwan oo la xiriira hawlaha ay qabanayaan ama mas’uuliyaddoda tahay. Waa iska caddahay, aniguna ma jecli inaan halkan ku sii dheeraado, in ciidankaasi uu ahaado mid lagu soo dhisay caddaalad, sinnaan kana fog nin jeclaysi iyo qabyaalad, waayo waa inuu marka hor noqdaa ciidan qaran oo aanu noqon mid qabiil oo u addegaya dano qabiil ama mid kooxeed. Waa in lagu dadaalaa in si wanaagsan loogu tarbiyo u adeegidda maslaxadda qaranka. Sidaan ogsoon nahay, caddaaladdu waa asaaska qarannimada, la’aanteeduna waxaan shaki ku jirin inaan guul laga gaari karin.

Caddaalad hadday sugnaato, nabadgelyadu iyada ayaa dhalanayso annagoo juhdi ku bixin. Taasi waxaan ula jeedaa inay lama huraaan tahay in ciidanka dhexdiisa lagu dhaqo caddaalad, sinnaan iyo qof kasta lagu abaal mariyo wuxuu mudan yahay oo layska ilaaliyo nin jeclaysi, nin nacayb, kala sooc oo giddigood nafaqo u ah caddaalad darro. Ciidan tayo leh wuxuu hanan karaa inuu dalka nabadgelyo u soo hooyo, dadkuna ku  noolaado nabadgelyo oo runtii ah nolosha barkeeda, waayo nabadgelyo la’aan waa nolol la’aan, nabadgelyaduna waxaa udub-dhexaad u ah caddaaladda.

Waxaan ogsoon nahay in wax kasta ay xad iyo wati leeyihiin. Xitaa nafta Ilaahay nagu amaansaday waxay leedahay waqti uu Ilaahay u xaddiday. Sidoo kale, weel kasta wuxuu leeyahay muq uu awood u leeyahay inuu qaado, haddii xadkiisa la dhaafiyana waxaa laga dhaxlayaa khassaro iyo halaag keliya.

Haddaba, aan in yar oo kooban wax ka iraahdo qodobka la xiriira dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, gaar ahaan kuwa Nabadgelayada oo aan aqoon igu filan u leeyahay muddo 43 sannadood, anigoo ka eegayo meelaha aan is leeyahay waa la marin habaabiyey, iyadoo loo gefay hab dhismeedkooda.

  1. Buburkii ka hor, dalka wuxuu lahaa Ciidan iyo saanad kuwooda ugu firfircoon qaaradda Africa, walow sannadihii ugu dambeeyey uu is-beddel xoog leh soo food saaray, kaasoo u horseeday burbur iyo nabadgelyo la’aan. Waan la soconnaa in xilliyadii ka dambeeyey burburkii, ay soo baxeen maleeshiyo u dhisan qaab qabiil, kuwaasoo ku hubaysnaa hubkii Ciidammada Qalabka Sida, kaddib markii qabiil kasta uu qayb ka qaaatay biliqada hantidii qaranka, gaar ahaan hantidii iyo hubkii Ciidammada Qalabka Sida, hubkaasoo aan ogsoon nahaya in lagu iibiyey magaca ummadda Soomaaliyeed, qaybna ku lahaa xitaa reer miyiga illayn waa hanti qaran.
  2. Markaan ka soo tagno marxalidihii kala duwanaa ee dalku soo maray, waxaa ugu dambayn la go’aansaday in dib laysugu uruuriyo ciidammadii qalabka sida, si dalka looga hirgeliyo nabadgelyo iyo kala dambayn. Waxay ahayd fikrad saliim ah, hase yeeshee waxaa ayaandarro noqotay in la barbar maray habkii ama qaabkii lagu hirgelin lahaa, taasoo ilaa maanta raadkeedu muuqdo. Marka hore, waxay ahayd in lagu dadaalo in odayaasha qabaa’ilka horseedka u ahaa laga qaybgeliyo lagana ansixiyo dhismaha ciidan qaran oo isku dhaf ah si meesha looga saaro jiritaanka ciidan ee hab qabiil u dhisan. Tallaabada xiga waxay ahayd in la hawlgeliyo ciidammadii hore u shaqayn jiray isla markaana talo laga siiyo ciidammada hawlgabka ahaa, ha ahaadeen iyo dalka jooga iyo kuwo dibedda ku maqan. Intii xoogga la saari lahaa dib u-dhiska Ciidammada Qalabka Sida, ayaa waxaa la door biday in la oggolaado in ciidammo shisheeye dalka la keeno, kuwaasoo mushahaarka uu askari kasta uu qaato lagu meeleyn kari lahaa ilaa 20 askari oo Soomaalieed. Qof kasta, wuxuu marag ka yahay wixii aan ka dhaxalnay ciidammadaas shisheeyey iyo dhaqanrogga baahsan ee ay nagu abuureen.
  3. Waxaa la dhisay ciidammo ku sheeg qaran oo sidii hore hab qabiil u dhisan , kuwaasoo dhowr jeer isku rasaaseeyey shacabka iyo magaalooyinka gudahoosa, iyagoo isticmaalaya hubbkii iyo rasaastii lagu soo iibiyey magaca ummadda Soomaaliyeed, iyaguna lagula soo jeestay.
  4. Ciidan kasta oo adduunka ka jira, wuxuu leeyahay hab-dhismeed ka wada siman yihiin, waana kuwa aasaaska u ah dhismaha saliimka ah ee Ciidammada Qalabka Sida, gaar ahaan kala sarreynta iyo darajada. Qof kasta oo aqoon u leh ciidan, markuu ogaado tirada guud ee ciidammada wuxuu kuu sheegi karaa darajooyinka rasmiga ah, sida tirada, dableyda, saraakiil xigennena, saraakiisha hoose (xiddigle,laba xiddigle iyo dhamme), saraakiisha sare (gaashaanle, gaashaanle dhexe, gaashaanle sare) iyo ugu dambayn darajooyinka ciidammada ee siyaasadda iyo dibolmaasiyadda ku lug leh, sida Sarreye Guuto,Sarreeye Gaas iyo Sarreeyey Guud). Sidoo kale, haddaad hesho tirada saraakiisha iyo darajadooda kala duwan waa sahlan tahay inaad hesho tirada Ciidammada Qalabka Sida. Haddaba, anigoo tixgelinaayo hab dhismeedka caalamiga ah ee Ciidammada, waxaa ii soo baxday in maanta dalkeennu ku xisaabtamayo ilaa 300.000-350.000 tiro ciidan ah marka loo eego darajooyinka la bixiyey. Waxaan og nahay in unuggu ugu yar yahay, waana la garanayaa tirada iyo darajada horjoogaha ama taliyaha, waxaa ku xiga goosan, waana la garanayaa tirada iyo darajada horjoogaha ah, waxaa xiga urur oo isna la yaqaan tirada iyo darajada taliyaha, sidoo kale guuto oo isna la yaqaan tirada darajada taliyaha iyo ugu dambayn Taliyaha Gaaska iyo tirada ciidankiisa.
  5. Soomaali ayaa hore u tiri: Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tagi jirin ayaa tago”. Haddaba, dawlad kasta waxaa ka xilsaaran in bixinta darajada ciidammada ay ku salayso nidaamka dawliga ah, iskana ilaaliso inay ku bixiso dalab ama codsi kaga yimid madaxda qabaa’ilka soomaaliyeed, sida “Annagu haddaan Reer Af Ku-Uusle” nahay waxaan rabnaa in nala siiyo 10 Janaraal iyo 20 Korneel iwm. Taasi waxay na dhaxalsiisay in shakhsi aan weligii xero ciidan gelin ama ka ag dhowaan meel ciidan uu joogo, darajada ciidanka looga bilaabo G/Sare ama korneel. Waad qiyaasi kartaa xiriirka kala dambaynta ama asluubta ka dhexayn karta isaga iyo ciidanka uu hoggaminayo, waayo waxay ogsoon yihiin sida uu ku qaatay darajada oo uu doonayo inuu iyagu ku hoggaamiyo.
  6. Ciidammada Qalabka Sida kuma noola Shacabka ee shacadba ayaa ku nool Ciidammada Qalabka Sida. Sidaa awgeed, dawlad kasta waxaa looga fadhiyaa inay shacabkeeda u dhisto ciidan hufan oo ay ku noolaadaan………La soco qaybaha xiga Insha Allah.W/Q: Ahmed Dhakal
    e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
    Twitter: @AhmedDhakal
    Facebook: Ahmed Dhakal