Ma qasabbaa in lahjad gooni ah wax lagu qoro?

Waayadi aan Yurub ku cusbaa ayaa waxaa doodo na dhexmari jireen dhalin yaro aan saaxiibo ahayn oo aanan isku gobol ka imaan. Dhalintaan ayaa ku doodi jirtay in waayadi ay dowladdi dhexe jirtay lagu qasbi jiray barashada lahjad dad gaar ah leeyihiin iyadoo loo maray iskoolada buugta lagu dhigo.

Anigu waan kuu diidi jiray figradaas waxaana doodi jiray ma ahayn qasab  ama arin ula kac loo sameeyay ee, si ay ku dhacdayba, dadki noo turjumay buugta, erey-boxintana noo sameeyay ayaa hal deegaan kasoo jeeday (ugu yaraan intooda badan) iyaguna lahjaddi ay yaqaaneen ayay wax ku qoreen.

Ilaa hadda fakarkaas waan qabaa. Allaha ka ajarsiiyee dadkii buugta aqoonta noo turjumay ee sida quruxda badan, oo mararka qaar aan la tacajubo sida ay ugu suura gashay in aqoon intaa la eg sidaan isu waafajiyaan iyagoon haysan agab iyo aalado saacido, isu saaray erayo iyo jaantusyo is fasirayo, qalad ma aysan galin, ujeedkoodana maahayn inay lahjadooda nagu qasbaan. Hasa yeeshee, hadda waxaan u garaabay dhalintii caban jirtay.

Sabab?

Dadaalki ay sameeyeen aqoon-yahaniinti buugta noo qortay iyo niyad samadi soomaalidu ku qaabishay, waxaa si qalad ah u isticmaalay kuwa laga yaabo inay geel la joogeen ama qaliyaad u fadhiyeen marki wax la qorayay. Sidee?

Bilihii la soo dhaafay ayaan waxaan la kulmayay qoraalo kala duwan oo lagu dhaleecaynayo lahjaddaha ay ku hadlaan shaqaalaha laanta afka soomaaliga ee BBC-da. Inta badan waxaa la haystay qoraalo ay soo dhigeen bogga idaacada. Labo arimood ayaa lagu haystay: kow higgaada ereyada ay qoreen. Labo, lahjadda ay isticmaaleen. Tan hore dood kama qabo oo qof walba qasab ayay ku tahay inuu saxo higgaada, iyo hab-qoraalka waxa uu qorayo, wuxuu qalinku ka xado oo qalad ku dhaco mooyee.

Laakiin midda labaad waa lagu fogaaday ilaa mid ka mid ah dadkii wax ka qoray uu dhaleecaytiisa ku billaabay “qolyaha Kikuuyada ah ee BBC-da wax ku qoro” taasoo uu ula jeeday inaysanba Soomaali ahayn. Tolow ma inaysan isticmaalin lahjadda tuulada uu ka yimid looga hadlo ayaa soomaali-nimada ka saartay mise wax kale ayaa jiro?

Waxaan isku dayayay inaan fahmo qaladaadka ku jiro qoraalada BBC-da. Waxa kaliya ee isoo baxay dadkuna ku haysteen waa inay ku qoraan lahjadda looga hadlo meelaha ay kasoo jeedaan oo aysan isticmaalin erayo iyo xarfo kuwa buuqayo deegaankooda looga hadlo.

Arintaas waxaan u arkay xad-gudub lagu sameeyay shaqaalaha BBC-da iyo kuwa la mid ah ee lahjadooda wax ku qoro waayo ma jirto wax ku qasbayo inay qoraan mid aysan aqoon. Tusaale, haddii aan isticmaalo ereyga “xaad sheegtay” markaan hadlayo kuma qasbani inaan qoro “maxaad sheegtay” markaan qorayo. Sababtu waa inay yihiin labo eray oo afsoomaali ah, dad soomaaliyeed oo dhulka iyo afka u simanna ku hadlaan. Sidaa darteed kaada tuur keygaa ka fiicane waaa midaan ha haboonayn.

Ma jiraa lahjad lagu heshiiyay in af-soomaliga lagu qoro? 

Dad badan ayaa ku doodo af-soomaaliga waa in lagu qoraa lahjadda gobolada dhexe. Waxay sheegtaan inay sidaas lagu heshiiyay marki la qorayay farta soomaliga. Anigu ma arag qoraal caddaynayo arintaas iyo marqaati kale toona (ciddi hayso waxaan ka codsanayaa inay isoo diraan). Haddii ay jirtaba waxaan ognahay in gudigii loo saaray inay qoraan farta soomaaliga shaqadoodu ahayd kala saarida farihii badnaa ee lasoo bandhigay ee aysan howshoodu ahayn kala dooridda lahjadaha gobollada soomaaliya looga hadlo. Haddiiba ay dhacday inay ka doodeen ma ahaayeen kuwa wada matalo gobollada soomaaliya mise waxay ahaayeen dad kasoo jeeday deegaano isku-dhow tiro ahaanna yar?

Sidoo kale, dowladdi waxay dhacday farta oo aan wali labaatan jirsan sidaa darteed wax badan oo hagaajin iyo toos-toosin ah ayaa ka dhimanaa ilaa maantana way taagan tahay howshaas oo shaqo badan ayay rabtaa horumarinta far-soomaaligu. Haddise qof ku doodo maa lagu qoro lahjadda loo badan yahay waxaan leenahay kuma heshiin karno midda loo badan yahay mana jirto tiro koob sax oo la aamini karo oo lagu sameeyay lahjadda loo badan yahay.

Waxaan kusoo koobaayaa inaan aqbalno inay lahjadaheenu kala duwan yihiin waxay ka mid tahay il-baxnimada. Soomaliga Gaarisa dagan iyo midka Garawe ku nool waa u siman yihiin afka waase kala lahjad duwan yihiin. Inaan isku tixgalinno waxa aan ku kala duwanahay oo ama dhaqan ah ama lahjad ahna waa midda kaliya ee wada noolaasho iyo nabad aan ku gaari karno. Inta uu jiro damac ah sad-bursi iyo anigaa dadka ugu fiicane sidaan u qufoco u quffac dib u dhac iyo dagaal aan dhamaad lahayn ayaan ku jiraynaa.

Inta la gaarayo waqti la helo cid ka shaqayso howlaha naga qabyiga ah oo meel dhexe iyo far iyo lahjad aan isla ogalnahay noo samayso waa inaan ixtiraamnaa qof kasta lahjadiisa iyo sida uu u hadlo ama u qoro.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk