Xog-warran: Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya (Qeybtii 6-aad)

Awood qaybsiga

Marka hore, sida nidaamku yahay, marka la doonayo in Dastuur la ansixiyo, waxaa lagama maarmaan ah in la faafiyo loona bandhigo ummadda iyadoo waqti ku filan la siinayo si ay u darsaan maaddama uu yahay midka qeexaya habkii ay isku xukumi lahaayeen isla markaana ay ku dhaqmi lahaayeen. Tallaabada xigtana waa in ummadda ay u codeyso si uu rasmi ahaan ugu dhaqangalo. Taasi suuragal ma noqon sababo kala duwan awgood.  Waxaan isku taxluujiyay inaan si hoose ugu kuur galo qodobbada uu ka kooban yahay Dastuurka ku-meel-gaar anigoo is barbar dhigay Dastuurradii hore u soo maray Soomaaliya iyo xitaa kuwo dalal shisheeye oo ka mid ah kuwa lagu tiriyo inay yihiin kuwa ugu fiican.  Ayaandarro, waxaa ii soo if baxay in Dastuurku ka marnayn inuu qayb ka yahay burburka qarannimada iyo midnimmada Soomaaliyeed iska daaye inuu sal u ahaado qodobbada aan kor ku soo xusay. Dastuur iyo sharci kasta oo laysku raaco in lagu dhaqmo, waxaa lama huraan ah in la xushmeeyo laguna dhaqmo, wax macno ahna ma yeelanayo haddaan la qaddarin isla markaana lagu xad gudbin. Waxaa nagu filan inaan dib u xusuusano dhibaatooyinka aan ka dhaxalnay ku dhaqan la’aantiisa. Guud ahaan, Dastuurka ku-meelgaarka ee fadhiidka ah, qodobadiisa inta badan waxaa lagu sifayn karaa inay, iskaba daayee inuu Ummad u horseedo nabadgelyo ku wada noolaansho,  wuxuu u horseedayaa burbur iyo kala tag. Waxaan ku talinayaa oo keliya inaan u kuur galno qodobbada la xiriira dawlad goboleedyada iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.

Sida ku qeexan dastuurka ku-meelgaarka, qabaa’ilka Soomaalieed waxay ku heshiiyeen awood qaybsiga  habka foosha xun ee 4.5, hase yeeshee Soomaali badan ayaa habkaas ka soo horjeedda, aniguse waxaan ballan qaadayaa inaan inta diiddan oggolyasiiyo, haddii ay ducadooda ku darsadaan in Ilaahay ugu qaybiyo

jannada ama naarta habka 4,5-ka. Waxaan og nahay Rabbina uu Quraankiisa noogu sheegay in aan mutaysiga jannada iyo naartuba ku salaysnayn qabiil ee qof kasta ku mutaysan karo hadba camalka uu Ilaahay hortiisa la tegi doono.

Sharci kasta wuxuu ku tiirsan yahay maxkamado u gaar ah, Dastuurkii aabbaha u ahaa shuruucda oo dhan, ilaa hadda looma samayn maxkamaddii lagu dhaqi lahaa oo ah Maxkamadda Dastuuriga. Ma garanayo sababta ilaa hadda loo dhisi waayay. Ma waxaa dalka laga la’ yahay garyaqaanno cilmi u leh arrimaha dastuuriga ah. Xaggee ka dhaceen, garyaqaannadii maqaar saarka looga dhigay inay talo ku lahaayeen markii la diyaarinayay? Sababta keliya waxay noqon kartaa in, maaddaama mas’uuliyadda  Maxkamadda Dastuuriga ay tahay inay garqaaddo dacwadaha la xiriira ku-xadgudubka Dastuurka, siyaasiinta Soomaalieed heer kasta intooda badan, marna raali kama  noqonayaa hirgelintiisa iyo ku-dhaqankiisa xalaasha ah, waayo iyaga ayaa maalin kasta horseed ka ah ku-xadgudubka joogtada ah ee Dastuurka isaga ah.  Siyaasiinta Soomaaliyeed waxaa lagu eedeyn karaa  intooda badan hab-dhaqanxumo ay caado ka dhigteen, hase yeeshee marnaba laguma sheegi karo inay doqommo yihiin, waayo way ka baxsan yihiin inay  ku dhiirradaan iskana ilaaliyaan wax kasta oo ka horimaanayo shakhsiyaddooda iyo danahooda gaarka ah…….La soco qaybaha xiga Insha Allah.

W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal