Awoodda Garsoorka (Judicial Power)
Waa awood ka madax bannaan awoodaha sharci dejinta iyo kan fulinta. Waxaa lagu qeexay inay adeegsadaan hay’adaha kala duwan ee Garsoorka, waana mid ka caaggan faragelin siyaasadeed, ha ahaate magacaabista mus’uuliyiinta iyo shaqadooda. Xilalka mas’uuliyiinta ha’adahan waxaa loo dhiibi karaa dad aqoon iyo xirfad u leh shuruucda dalka, waana inay noqdaan dad diiwaankooda dembi (Criminal Records) nadiif yahay. Xeerka u yaalla ka mid noqoshada beesha garsoorka ee Jaamacadaha adduunka oo dhan, diiwaanka dembiyada ka sokow, waa in la hubiyo caa’iladiisa iyo inta ku heeran inay iyaguna nadiif ahaadaan.
Hay’adda ugu sarraysa Garsoorka waa Xeer-ilaalinta Guud oo ka kooban Garsoorayaasha(Judges) iyo Dacwo-oogayaasha (Prosecutors). Ma sahlana ka shaqaynta hawlaha garsoorka, waayo waa xirfad u baahan dadaal iyo waqti dheer si aad meel fiican uga gaarto si hufanna ugu guduto waajibaadka ku saaran. Tusaale ahaan, si aad xilka Dacwo-ooge u qabato, waxaa lama huraan ah inaad marka hore qaadato shahaadada sharciga, kaddibna takhasus ku samayso culuunta la xiriirta kaddibna aad tartan u gasho xilkaas. Sidoo kale, kaddib markii aad in muddo ah ku soo shaqeyso Dacwo-ooge ahaan ayaad fursad u heli kartaa inaad Garsoore u tartanto, kaddib markaad buuxiso shuruudo aad iyo aad u adag.
Hay’adaha kor ku xusan waxaa soo raaca mid iyana aan kuwaas ka muhimad yarayn oo ah Hay’adda Xaqiijinta Ciqaabta oo ah Xabsiyada. Mas’uuliyadda hay’addan waxay ku kooban tahay oo keliya inay fuuliso xukunnada lagu dhawaaqo una fuliso sida maxkamaduhu ugu ridaan dembiileyaasha. Sidaa awgeed, hay’adaha garsoorka waa kuwo isku wada xiran oo midba fulinaya qaybta ku aaddan. Saddexda awood ee dastuuriga ah, giddigood waxay asaas u yihiin maamulka dawladnnimo waxaana lama huraan ah inaan laga weecan loona fuliyo sida ay u qeexayaan.
Runtii, waa adag tahay inaan halkan ku soo koobo xog warranka saddexdan awoodood oo dhidibbada u aasayo habka dawladnnimo, hase yeeshee waxaan jeclahay inaan wax ka iraahdo waxa laga dhaxli karo haddii lagu dhiiirrado in layska indhatiro.
Marka si qoto dheer loo derso garsoorka, waxaa soo if baxaya inay isugu soo uruuraan hal qodob oo ah
in la helo “Caddaalad”, oo runtii la’aanteed aan lagu riyoon karin in la helo nabadgelyo. Qof kasta, hadduu ogsoon yahay inay jirto caddaalad oo qofkii ku xadguba sharciga lala tiigsanaayo uma baahnaan lahayn inuu is hubeeyo si uu dulmiga isaga difaaco. Sidaa awgeed, caddaalad la’aan nabadgelyo lama helayo, nabadgelyo la’aanna waa nolol la’aan.
Haddaba, musiibada asaaska u ah burburka dalka iyo dadka waa caddaalad la’aan oo waxaa la door biday in lagu dhaqmo habkii lagu dhaqmi jiray qarnigii 17aad oo loo yiqiinnay Sharciga Kaymaha (Jungle Law). Waxaa laysku raacay in mas’uuliyadda qarandumiska uu sal u yahay qabiilka. Horta aan kala saarno qabiil iyo qabyaalad. Waa laba qodob oo kala duwan waayo, qof kasta qabiil ayuu ka dhashay mana ah inaan u fadhinno inaan baabi’inno. Ilaahay ayaa quraankiisa ku sheegay jiritaanka qabaa’ilka iyo shucuubta ee dunida ku nool, hase yeeshee waxa nala degay waa “Qabyaaladda”. Waa maxay sababaha keenay in la xigsato qabyaaladda? Jawaabtu aad ayay u fudud tahay, mana u baahna inaad Master ku qaadato Qabiilka. Qabyaaladda waxaa aabbe u ah Caddaalad darro, labadoodna waa isku farac. Yaan waqti isaga dhumin inaan ka faalloonno qabiilka. Qabiilka waa wax aan la inkiri karin, xitaa Jinnigu wuxuu u sii kala baxaa qabaa’il. Tusaale: anigu waxaan ka dhashay qabiilka “Reer Af ku-uusle, adigana waxaad ka dhalatay mid kaloo la yiraahdo “Reer Af ku-dable”. Ilaa hadda xaaladdu waa caadi oo khilaaf ma imaan karo. Laakin, markii aan anigoo Reer Af ku-uusle ah aan ku dhiirrado inaan kugu xad gudbo oo aan kuula dhaqmo si caddaal darro ah isla markaana aan kaa xigsado ina-adeerkay, anigoo u sababaynayo xigto ama qabiil ahaan. Haddaba, taasi waxay ka dhigan tahay “Qabyaalad”, waana midda na aafaysay.
Sida aan ka war hayno, caddaaladdu naguma noola ee annagaa ku nool. Haddaba, waa maxay siyaabaha aan kor ugu qaadi karno caddaaladda? Aad bay u sahlan tahay, lacagna nooguma fadhiso, waa inaan isla meel dhignaa inaan cidna sharciga ka sarreyn karin. Markii taasi dhabowdo ayaa la heli karaa nabadgelyo, sinnaan, horumar, wada-noolaansho xalaal ah iwm. Qaran iyo Qabyaalad waa sida Dab iyo Dhagax.
Waxaan qoraalkayga ku soo koobayaa duco reer Banaadiri ah “Ilaahow ha naga dhigin sidii bakeeri jabay oo boqol meel u kala faniinay”. Ducadaan waxay ifinaysaan in laga dhaxlaayo laba arrimood oo aad u halis ah. Midda hore: wixii bakeeriga ku jiray meeshaas ayey u qubteen, tan labaadna ururinta firirka bakeeriga waxaa lagala kulmayaa halis hor leh oo ah inuu dhaawac kaa soo gaaro. Haddaba, dhisidda qaran waxay qaadanaysaa waqti iyo juhdi, dumintiisana waa il-biriqsi. Soomaaliyey aan xushmayno magaca aan sharafta iyo qaddarinta ku mutaysan karno oo ah Midnnimada Ummadda Soomaaliyeed, illayn waan tijaabinnay qabyaalad waana dhedheminnay waxay na dhaxalsiisay…….La soco qaybaha xiga Insha Allah.
W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: [email protected]
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal

