28.1 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Xog-warran: Jeneraal Gabre oo laba sabab uga soo dhex bixi la’ xarunta Xalane

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay ilo diblomaasiyeed ayaa sheegaya in cabsi weeyn ay soo food saartay Jeneraal Gabre Heard oo Dowlada Ethiopia u qaabilsan burburinya qaranka Soomaaliya.

Jeneraal Gabre oo la rumeysan yahay inuu yahay ninka ugu halista badan Shisheeyaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa iminka hakiyay dhaqdhaqaaqii uu ka dhex waday magaalada Muqdisho sababo la xiriira arrimo amni.

Jeneraal Gabre oo ay soo foodsaartay Cabsi dhanka Siyaasiyiinta iyo Shacbiga Soomaaliyeed ayaa inta laga soo dhisaayo Xukuumada cusub ku nagaan doona Xalane kadib markii ay hanjabaado dhexmareen isaga iyo Siyaasiyiin Hantiilayaal ah.

Sababaha uu Jeneraal Gabre ugu sii nagaan doona Xarunta Xalane ayaa ah:

1-Colaada kala dhexeysa Xildhibaanada BFS oo gaartay heerkii ugu xumaa.

2-Cabsi laga qabo in Goobaha caadiga ah ee uu tagi jiray inay hujuum ku qaadan Shacabka.

Ilo ku dhow dhow Jeneraal Gabre ayaa laga soo xigtay in Jeneraalka la gaarsiiyay fariimo Hanjabaad oo lagu diray Mobilka gacanta ee uu wato, taa oo soo dadajisay inuu kusii sugnaado Xarunta Xalane oo ah Goob ay degan yihiin Ajaaniibta ka howlgasha Somalia.

Geesta kale, waxaa soo baxaaya in Jeneraalka laga hakiyay booqashooyinkii uu ku tagi jiray Xarunta Madaxtooyada Somalia sababo la xiriira Isbedelka ka dhacay dalka iyo inay suuragal tahay inuu caqabad kala kulmo Ciidamada Qaranka ee xamaasadeysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News