Xog-warran: Labada koox ee hor-taagan in Somalia ay dowlad ka dhalato?

Mutaqafiinta ku howlan daraaseynta taariikhda siyaasadeed ee qaaradda Afrika, waxay billaabeen inay qaab cusub (innovative approach) u cilmiyeeyaan cawaaqib-xumadii laga dhaxlay talisyadii kelitaliska ahaa ee soo maray Afrika ee wadammadooda dhaxalsiiyey burburka bulsho ee aysan xitaa ku kicin gumeysigii caddaa ee Yurub. Qaabkaas cusub wuxuu yahay in kor iyo hoosba loo derso xukunnadii kelitaliska, si aan loo majara-habaabin jiilasha jooga iyo kuwa soo socda. Bulsho kasta oo uu jahligu ku badan yahay waxaa lagu gartaa laba arrimood oo ay si sahlan ku aaminto: (1) qurraafaad (superstition), iyo (2) mala-awaal (speculation). Waxaad maqlaysaa ‘Jinni ayaa naag Soomaaliyeed ilmo ka dhalay’ iyo ‘Cabdirisaaq ayaa warqad liqay’.

Soomaaliya, mar walba waxaa is haysta run iyo been. Habeen iyo maalin, wey is daba socdaan. Kalama haraan. Kalama lumaan. Kalama leexdaan. Wey is baadigoobaan. Beentu waa orod dheer tahay. Wax walba wey ka horreysaa. Waxayse dhuumataa marka ay runta indhaha ku dhufato. Waa markaas marka kadabkeed uu galay. Waa markaas marka ay beentu suuxdo. Balse, ma dhimatee wey dhuumataa. Sida digaag madaxa laga jaray ay u rafato ayay beentu u rafataa, oo dhaqso naftu uma deyso. Mar allaale iyo marka ay runtu albaabka soo garaacdo, beentu darbiga ayay madaxa ku garaacdaa. Waxay tiraahdaa ‘hooheey, weey, maxaa ii keenay run, maxaa keligey i daba dhigay?’. Runtu marka ay iska xishooto oo iska aamusto, beentu waxay moodaa inay madax iyadu ka tahay meesha. Runtu, sideedaba, ma lahan taageerayaal badan oo la mid ah kuwa ay leedahay beenta. Hase ahaatee, nasiib wanaag, waxay Soomaalidu yaqiinsan tahay maahmaahda tiraahda ‘been fakatay run ma gaadho’. Waxay is xusuusayaan hal-hayskii Soomaaliyeed ee ahayd: beeneey, waa run.

Abwaan Soomaaliyeed ayaa ku maansooday: ‘Ma gabowdo taariikhdu, qof weliba gefkiisiyo, wuxuu geystay baa qoran’. Su’aasha mixnadda ah waxay tahay: waddan markuu burburo ma lagu dhisi karaa been? Shaqada koowaad ee ay tahay in la qabto qaran hadduu burburo, waa in la isugu yeero oo ay shiraan dadkiisa ahlu caqliga wal cilmiga ah, kaddibna ay gaaraan go’aanka dib u qaabeynta qarannimada dalka. Su’aashu waxay tahay, sidee dowlad burburtay loo dhisaa? Tababarkeyga cilmigu wuxuu ku qotomaa culuunta dhaqamada iyo caadooyinka bulshooyinka (anthropology), taariikhda (history) iyo culuunta siyaasadda (political science). Haddaba, jawaabteydu waxay ku saleysnaan doontaa aqoonteydaas. Haddii aan jawaabteyda waafajiyo qaab ay dadka Soomaalidu isla wada fahmi karaan, dhisme dowladeed (iyo dib u dhis qarannimo) waxay la mid tahay dhisme guri. Haddii aan aasaaska si wanaagsan loo dhagax-dhigin oo aan la gelinin biro xoog leh, waxaa dhacaysa in uu gurigaas dhisnaado dhowr sannadood wax aan ka badneyn, kaddibna uu si sahlan ku dumo. Soomaaliya waa gurigii qof kasta oo Soomaaliyeed uu higsanayey. Waajib ayaa naga wada saaran inaan hubinno in biraha looga dhigayo seeska ay ahaadaan kuwo xadiid adag oo aan jabaynin.

Sayid Khaliifa ayaa ku heesi jiray: ‘Baaqeennu waa barashada dadweynaha, in la baahiyaayoo, la ballaariyaayee’. Beryahaan waxaan waday inaan si sahlan oo ay fahmi karaan dadweynaha Soomaaliyeed aan ugu soo gudbiyo mawduucyo quseeya masiirkooda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed, qaasatan wixii ka qaldamay si ay u fahmaan waxa maanta ka qaldan, una sixi lahaayeen qalad ay berri mar kale dib ugu dhici lahaayeen. Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed iga soo gaaray farriimo badan oo ay ii soo direen. Farriimaha ii yimid, waxay i geliyeen farxad, waxayna igu beereen rajo dowladnimo. Waxaa ila soo xiriiray dad culumo ah, cuqaal waayeel ah iyo kuwo cilmi-raadis ah. Waxaa ila soo xiriiray qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore ee Soomaalida, sida madaxdii hay’adaha kala duwan ee dowliga iyo laamaha garsoorka, kuwaas oo ii soo gudbiyey dhacdooyin xanuun badan oo ay u soo joogeen. Odoyaashii hore ee Soomaalidu waxay oran jireen, ‘ma gablanto ummad haddii laga helo caalim arrimiya, caaqil taliya iyo culumo duceysa’. Farriimaha aan helay, waxay ii muujiyeen in shacabka Soomaaliyeed uu doonayo inuu yeesho dowlad ku dhisan run oo aan dib dambe uga dumin, inuu hanto oo milkiyo dowlad daacad ah oo caddaalad ugu kala garsoorta ee aan dib dambe la isugu dulleysan.

Haddaba, aan ka billowno waxa maanta naga hor taagan inaan dowlad sax ah helno. Su’aashu waxay tahay: Soomaaliya maxay u noqon la’ dahay dowlad? Jawaabtu waxay tahay dad aan u qalmin inay hoggaanka u qabtaan ayaa hoggaankeedii qabtay. Runtii, in dowlad dhab ah laga dhaliyo dalka, waxaa maanta hor-taagan laba kooxood. Haddii aan labadaas kooxood la iska qaban, Soomaaliya oo mid ah waa lagu diimi doonaa, mana la arki doono. Labadaas kooxood, waa (1) kuwii la soo shaqeeyey ee ka nool taliskii Maxamed Siyaad Barre ee weli u barooranaya in isagoo kale uu soo noqdo, iyo (2) kuwii la soo shaqeeyey qabqablaashii dagaalka ee waddanku markuu burburay kala googoostay dalkii, shacabkiina gaajada iyo baahida ku dilay. Labadaas kooxood ayaa halis ku ah jiritaanka dowlad dhab ah oo caadil ah in la helo. Labada kooxood, ma awoodaan inay xukunka si buuxda u wada qabsadaan, waayo heshiis ma ahan oo maba heshiin karaan, waayo ma jirto wax ay ku heshiin karaan oo mideyn kara. Sidaas awgeed, waxay caado ka dhigteen inay u adeegaan oo u khidmeeyaan (service) hadba kooxdii cusub ee maafiyo ah ee laaluush ku iibsata kursiga madaxtooyada ee dhex yaalla Vila Somalia, buurtii dheereyd ee ku ag-tiillay qabrigii Sheekh Suufi, sheekhii ixtiraamka mudnaa ee Soomaaliyeed ee ku caan-baxay faafinta iyo barashada diinta Islaamka.

Maafiyadu maxay yihiin? Waa niman ku aflaxay dhiiggii ummadda (war economy). Waxay ka dhasheen Soomaali, laakiin uma dhalan Soomaali. Macnuhu waxa weeye magaca ay sitaan waa Soomaali, laakiin Soomaaliya uma hiiliyaan. Dan kama lahan qof Soomaali ah hadduu dhimanayo iyo hadduu dhaawacmayo. Taas oo macnaheedu yahay inay ku shaqeystaan Soomaalida. Run ahaantii, haddii ay Soomaali u gargaarayaan, qof Soomaali ah uma dhinteen gaajo, cudur iyo colaad oo ah wixii uu ka duceysan jiray Nebi Muxammad (CSW). Maafiyadu, maadaama aysan wax aqoon ah u lahayn dowladnimo, waxay u yeertaan labada kooxood ee aan sare ku xusay, kuwaas oo ay xilal dowli ah ku magacaabaan. Kaddibna waxay maafiyadu billowdaa inay iska yeelyeesho inay la mid yihiin taliskii Maxamed Siyaad Barre. Labada kooxood ee ay ku adeegtaan waxay ogyihiin inay dambiilayaal yihiin oo ay yihiin maxkamad-sugayaal, sidaas awgeed waxay sii cakiraan hannaankii dowladnimo iyagoo bansiin ku sii shuba mushkiladdii uu dalku ku jiray.

Wax ma laga qaban karaa labada kooxood? Maya, waqtiga dhow waxba lagama qaban karo, waayo waxay haystaan dad u taagan inay qabiil ugu hiiliyaan oo yiraahdaan ‘maxaa laga rabaa?’. Hase yeeshee, waqtiga fog ayaa wax laga qaban karaa. Sidee looga qaban karaa? Waa in la is abaabulaa oo aan la sugin inta ay ka dhimanayaan. Inta ay nool yihiin oo ay weliba wadaan shaqadii ay u hayeen taliskii militariga, lama filan karo rajo dowladnimo. Si kasta ha noqotee, waajib ayaa qof kasta oo Soomaali ah ka saaran inaan laga daba harin ee tooshka lagu ifiyo, si loo qaado isbaarada ay dhigteen, loogana hor-wareejiyo shaashadda. Maadaama ay shacabka Soomaaliyeed ka dheregsan yihiin fool-xumooyinkii dhacay xilligii qabqablayaasha, waxaa muhiim ah in la tilmaamo jarriimooyinkii ay geysteen xilligii Maxamed Siyaad Barre iyo kuwii taliskiisa kula jiray. Haddii aan damacno inaan shaqsi shaqsi uga hadalno, gabood-falkoodii waxaan ka qori karnaa kumannaan bog oo qoraal ah, laakiin waxaan ku ekaanaynaa munkarkii ay ku galeen magaca dowliga ah.

W/Q: Mohamed Haji Ingiriirs: Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com