Yahuudda oo aad uga walaacsan arrin ay guul ka gaartay IRAN.!!

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay Iran in ay tijaabisay gantaal cusub oo kuwa ridada dheer ah, tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid khilaafsan qaraar uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Netanyahu ayaa sheegay in marka uu bartamaha bisha February booqdo Washington, uu madaxweyne Trump kala hadli doono sidii cunaqabateyn caalami ah loogu soo rogi lahaa Iran.

Tan iyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015, ayaa Iran waxa ay tijaabisay dhowr gantaal, arrintaasi oo ka caraysiisay waddamada galbeedka.

Ka hor inta aanu xilka la wareegin, ayaa madaxweyne Trump waxa uu ku tilmaamay heshiiskaasi mid musiibo ah, waxaana uu ku nuux nuuxsaday in uu soo afjari doono tijaabadda gantaallada ee ay Iran samayso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com