Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka toddobo dal, oo Somaliya ku jirto uu kaga mamnuucay dalkaasi.
Donald Trump, ayaa maalintii Jimcaha saxiixay awaamiir uu dadka u dhashay dalalkan kaga mamnuucayo in ay yimaadaan Mareykanka. Dhammaan dalalkan ayaa haysta Diinta Islaamka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa tilmaamay in guud ahaan Somalida oo dhan ay ka xun tahay go’aankan. Waxaa uu sheegay in go’aankaasi uu ku soo aaday, xilli Somaliya ay ka soo kabaneyso dagaalo sokeeye, horumarna ay samaynayso.
Waxaa uu muujiyay in Xukuumadda Muqdisho ay ka xun tahay in farta lagu soo fiiqo dadka Somaliyeed, xilli sida uu sheegay ay la dagaalan kula jiraan kooxo meel wayn kaga jira argagixisada caalamka.
Wasiir Hadliye oo hadda booqasho ku joogga Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya, ayaa Xukuumadda Washington ugu baaqay in ay dib isugu laabato, arrintaana ay si dhakhsi ah u soo afjarto.
Wasiirka oo la hadlay VOA, waxna laga weydiiyay tallaabada Somaliya kaga aadan go’aanka Trump, ayuu sheegay in arrintaasi ay mowqif ka qaadan doonaan Golaha Wasiirada Somaliya, kolka uu dib ugu laabto Magaalada Muqdisho.
Go’aankan, ayaa durbaba saameeyay qoysas Somaliyeed oo dib u dejin ka helay Mareykanka. Qoysaskan oo qaxooti ku ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa walaac ka muujiyay qaraarka uu saxiixay Madaxweyne Trump.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

