Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, Sheikh Shakhbout bin Nahyan, ayaa galabta socdaal qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Safarkaan ayaa yimid maalin kadib markii uu magaalada Muqdisho booqasho ku yimid Taliyaha Sirdoonka Suudaan G/Sare Axmed Ibraahim Cali Mufaddal, oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliye Mahad Salaad kula shiray Villa Somalia, arrintaas oo la sheegay in Imaaraadka ay ka caroodeen.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, Sheikh Shakhbout bin Nahyan iyo wafdigiisa ayaa galabta Madaxtooyada Soomaaliya kulan saacado badan qaatay kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada, waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ku jirta arrinta Suudaan oo Imaaraadku si toos ah ugu lug leeyihiin.
Sarkaalka maanta Muqdisho yimid waa masuulka galka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Imaaraadka, socdaalkiisa ayaa ku soo aaday, iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu muddooyinkii u dambeeyay mugdi galay.
Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa toos u eeganeysa Imaaraadka oo ku lug yeeshay qadiyado dhaawacaya Midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya, halka Imaaraadku ay xitaa isku dayaan inay aragtida dowladda federaalka jiheeyaan.
Madaxtooyada Soomaaliya oo maanta faahfaahin ka bixisay safarkii uu Muqdisho ku yimid Taliyaha Sirdoonka ee dalka Suudaan G/Sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal, ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo gaarsiiyay dhambaal uu ka soday Guddoomiyaha Golaha kumeel-gaarka Qaranka Suudaan Gen, Abdelfarah Burhaan oo ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinac kasta oo dan u ah labada dal.
Dowladda Soomaaliya, ayaa horay ku taageertay dowladda Suudaan guulaha ay ka gaartay dagaallada ka dhanka ah Kooxda RSF ee Imaaraadku taageero, waana halkaas meesha seddaxda dal ay iska arkeen.
Imaaraadka oo xoogga saaraya in dowladda sharciga ah ee Suudaan uu meesha ka saaro ayaa taageera kooxda falaagada ah ee RSF oo dagaal ba’an kula jirta dowladda, halka dowladda Soomaaliya ay toos u taageertay jiritaanka iyo guusha dowladda sharciga ah ee Suudaan.