Xog: Wasiir ka tirsan DFS oo hakinaya howshii…

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Somalia, ayaa waxaa lagu shaaciyay in wasaaradu ay si KMG ah u hakisay howlihii ay ku diiwaan galineysay Jaamacadaha iyo goobaha waxbarashada dalka.

Khadra Bashiir Cali oo ah Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegtay in wasaaradu aysan qaban doonin codsi kaga imaada Jaamacadaha cusub ee dhismahooda uu kusii badanaayo dalka.

Khadra Bashiir Cali waxa ay tilmaantay in dalka ay kusii kordhayaan Jaamacadaha aan tayada laheyn islamarkaana ka kooban dhowr qol, waxa ayna carabaabday in si KMG ah ay u hakinayaan Ruqsad siinta Jaamacadaha Cusub ee dalka ka hir galaya.

Jaamacadaha qaar ayay ku sifeysay kuwo u furan qaab ganacsi islamarkaana aan waxbadan lagu baran, waxa ayna sheegtay in mudada kooban ee la hakinaayo bixinta ruqsada ay daraaso ku sameynayaan qaabka ay u shaqeeyaan Jaamacadaha iminka shaqeeya.

Sidoo kale, Wasiir Khadra waxa ay carabka ku dhufatay in Wasaaradu ay sameyn doonto qawaaniin lagu hagi doono Jaamacadaha dalka, taasi oo ay sheegtay suuragalinkarta dhimista Jaamacadaha faraha ka batay ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

Haddalka Khadra ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay ku yaalaan Jaamacado tirro ahaan la sheegay inay kor u dhaafayaan 45 Jaamacadooda oo u furan qaab Ganacsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com