Aadan MADOOBE oo hanjabay, sheegayna in…

Baydhabo (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” oo wariyaasha la hadlay ayaa markale si adag u dhaliilay shirkii maamul beeleedka loogu sameeyay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in marnaba xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Bakool aysan aqbali doonin in la kala qeybiyo deegaanada maamulka Koofur Galbeed uu ka arimiyo.

Aadan Madoobe, ayaa nasiib daro ku tilmaamay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Bakool ay ka shaqeeyaan in hal qabiil oo kaliya uu yeesho maamul gaar ah kaasi oo sharciga dalka uusan dhigeynin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda Puntland ay qeyb ka ahaayeen dadkii ka qeyb qaatay dhismaha maamulka looga dhawaaqay degmada Ceelbarde oo uu sharci daro ku tilmaamay.

Dowlada Soomaaaliya iyo dowlada Ethiopia ayuu sheegay iney ku lug leeyihiin dhismaha maamulka qaab qabiileedka ku saleysan ee degmada Ceelbarde, wuxuuna sheegay in dowlada Soomaaliya ay iska eeganeyso waxa ka socdo Bakool.

Dowlada Soomaaliya ayuu ka dalbaday iney ka shaqeyso in dagaal sukeeye uusan ka dhicin deegaanada hadda maamulka loo sameeyay, wuxuuna sidoo kale sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada Ethiopia ay halkaasi ku sugan yihiin, balse ay taageersan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com