Rag dilay guddoomiye degmo oo lasoo qabtay!!

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta baaritaano dad badan lagu qabqabtay waxay ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib xog ciidamada ay ka heleen shacabka magaalada.

Saraakiisha ciidamada ee horkaceysay howlgalka laga sameeyay degmada Afgooye ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen ragii ka dambeeyay dilka gudoomiyihii degmada Afgooye Cabdulaahi Macalin Iideey, sida saraakiisha ay xaqiijiyeen.

Maxamed Amiin, taliyaha saldhiga booliska ee degmada Afgooye oo warfidiyeenka kula hadlay Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada baaritaankooda saaka ay ku qabteen shaqsiyaad badan, balse wuxuu sheegay in dadka la qabtay uu kamid ahaa ruuxii ka dambeeyay dilka gudoomiyihii degmada Afgooye.

“Waxaan ka xusi karnaa Ciidanka Booliska Afgooye Joogo, Birmad,Daraawiish Afgooye joogta Degmadaan falal badan ayaa ka dhacay oo dilal qorsheysan ah, howlgal ciidanka ay sameeyeen Saacadihii la soo dhaafay dad ayaa lagu soo qabtay oo falal kala duwan lagu soo qabtay, waxaa ka mid ah ninkii Dilay C/laahi Iideey Guddoomiyihii Degmada Afgooye falka ka daba tagiisa ayaana ku soo qabanay.” Ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Degmada Afgooye.

Sidoo kale Dadka ay Ciidamada Booliska Afgooye ku qabteen ayaa waxaa ku jira Kooxo Burcad ah oo Xilliyada Habeenkii ah Dadka dhac u geeystay, sida uu sheegay taliyaha saldhiga degmada Afgooye.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
Caasimada@live.com