Xog: Wasiirada HirShabelle oo ku dhowaad sanad aan mushaar qaadan + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in muddo 10 bilood ah aysan wax mushaar ama gunno ah qaadan wasiirada xil gaarsiinta ah ee maamulka Jubaland, halka baarlamankana cusubna aysan qaadan muddo laba bilood ah.

Xubnahaan wasiirada ah lacag usoo dhacdo waxaa ugu dambeysay 23-kii bishii 6-aad ee sanadkii hore waxaana kadib aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen.  

Muddo intaan la eg wali mushaar kama maqnaanin Golaha wasiirada HirShabeelle waxaana suurtagal ah in aysan ka soo dhax muuqan wasiirada cusub oo ay isugu sii darsanto mushaarkii oo ka maqan, deymo tiro badan oo lagu leeyahay iyo shaqo la’aan ku dhacdo. 

Musuq maasuq xoog leh ayaa laga soo sheegayaa in uu ka jiro maamulkaas muddada uu dhisan yahay oo ku dhow 5-sano. Hogaanka cusub ee HirShabeelle ayaa ka kaban la’ dhibaatooyin badan oo degaanka hareeyay, oo maamulka horey u haystay.

Sidoo kale maamulka HirShabelle ayaa wajahaya go’doon cusub oo dhanka Al-Shabaab ah. Magaalada Jowhar iyo degaanada Afarta Tuulo oo ka tirsan degmada Mahadaay ayaa muddo ku dhow bil hadda wax raashin ah galin kadib cuna-qabateyn ay saareen Al-Shabaab.