Daawo: Kheyre oo markii ugu horreysay ka hadlay sababtii ay isku khilaafeen Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta keentay inay is khilaafaan isaga iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo keentay in Kheyre xilka laga qaado.

Waxa uu sheegay in la isku qabtay ‘aan qabano doorasho xalaal ah’ oo aan ciidan iyo xildhibaano musuq lagu soo xulay aan lagu boobin.

“Waxaan aad maqleysiin ee la isku heysto wax kale maaha, waa ma doorasho cadaalad ah ayaa dalka laga qabanayaa mise doorasho boob ah, anigu waxaan u taaganahay Soomaaliya oo soo ceshata sharafteedii, waxaan rabaa Soomaaliya in laga hir-geliyo axsaab siyaasadeed, si dhalinyaradu u soo doorato qofka hoggaanka u qabanaya,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kaliya uu ka soo hor jeedo in dalkan ay ka dhacdo doorasho aan xalaal aheyn oo la boobo.

“Waxaan ka soo hor jeedaa doorasho boob ah, oo askar inta meel la geeyo ay codeeyaan ama xildhibaano xoog lagu soo xusho, anigu waxaan u taaganahay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadka oo dhan ay isla wada ogolyihiin.

25-kii bishii July ee sanadkii 2020 ayaa Xasan Cali Kheyre xilka looga qaaday kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada golaha shacabka, kadib markii ay arrimaha doorashada isku khilaafeen isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka Daawo