Xog: Wasiirka warfaafinta Somaliland oo la xiray iyo maxkamad lasoo taagayo

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar ay helayso Caasimada Online ayaa waxay sheegayaan in la xiray wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) .
Wasiir Guri Barwaaqo ayaa waxa laa sheegayaa in loo heysto eedo la xiriira musuq maasuq, kuwaasi oo hore loogu xidhay eedahas masuuliyiin ay kamid yihiin Agaasimaha waaxda maamulka & lacagta iyo Agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland.
Xilkii Wasiirka Warfaafinta ayaa hadda waxa si kumeel gaadh ah loogu wareejiyey Kuxigeenkiisa Maxamed Muuse Abees.
Hanti dhowraha Guud ee Somaliland ayaa maalmihii udambeeyay waxa uu baadhis ka wadey Xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo weli iyadna ay socoto baaris uu Wasaaradaha qaar ka wado Hanti dhowraha Somaliland.
Xariga Wasiir Guri-barrwaaqo ayaa waxa amray hanti dhowraha guud, waxaana la filayaa in maanta oo Axad ah lasoo taagi doono Maxkamada Hargeysa, taasi oo loo gudbiyey eedaha loo haysto ee musuq maasuqa la xidhiidha.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com