10 caqabad oo hor-taagan qorshaha ay DF Somalia ku tiro-koobayso ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan waxa soo baxay natiijada Tira-koob ay si wadajir ciidamada dowladda ugu sameeyeen Wasaaradaha gaashaandhigga, Maaliyadda, Taliska ciidanka xoogga dalka, xafiisyada madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha, iyada oo dhinaca kalana ay taagantahay cabasho guud oo kasoo baxday qaar kamid ah ciidamada kujira furimaha fogfog taas oo ku salaysan in aan Mushaarka iyo sahayda ciidanka XDS.

Haddaba xog-uruurin iyo falanqeyn aan ka samayna khuburo kala duwan ee dhinaca maaliyada, maamulka, siyaasada iyo waaya-aragga ciidanka ayaa muujisay jiritaanka 10 caqabad oo ah sababaha ugu waaweyn ee dib u dhigaya guul kasta oo laga gaari lahaa qorshaha tirakoobka ciidanka, caqabadahaasi waxa ay salka ku hayaan dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda, Maamulka, Dowladgoboleedyada, Istiraatiijiyadda ciidanka XDS, Is aaminaadda Qabaailka iyo howlgalka guddiga Ammaanka Qaranka.

  1. Danaha Dhaqaale ee danleyda kala-duwan

Ganacsato, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin kamid ah nidaamka dowladda ayaa dano dhaqaale oo ballaaran waxa ay ku haysteen muddo dheer fududeynta saadka, sahayda iyo cuntada ciidanka, Dhianacyadaas kala duwan ayaa mar walba oo uu yimaado qorshe lagu sugayo xogta iyo tirada askariga waxaa ay sameeyaan iska caabbin ay ku ilaashanayaan danahooda ganacsi si aysan u gelin gacanta iyo jaangoynta dowladda, waxa ay adeegsadaan hadba cidda awoodda in ay culeys saarto qorshada diiwaangelinta ciidanka oo xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh ay kudhici weysay balse ay suuragelisay tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

  1. Mucaaradka

Iyaga oo kafiirinaya dhinaca suuqooda siyaasadeed siyaasiyiinta mucaaradku marka aan laga talo-gelin howlaha qaranka kadhexeeya ayna ogyihiin in qorshaha diiwaangelinta ciidanku tusaale ahaan uu dhalliil leeyahay waxa ay sameeyaan cadaadis siyaasadeed oo ay kusoo bandhigayaan ceebaha iyo gaabisyada jira, taasina waxa ay kicisaa dad badan oo aan xog fiican kahaysan waxa socda iyo sababaha kadambeeya, sidaas oo kalana waxa ay calwiyaan kalsoonida lagu qabi karo qorshayaasha dowladda, taasina waxa ay hor istaagtaa oo ay xawaaraha kayerysaa wixii horumar ah oo hirgeli lahaa, waxa ay markasta soo bandhigaan dhalliilaha tiro-koobka kaliya iyo fasirkooda taas oo ay ku sameeyaan cadaadis siyaasadeed, tallaabadaasina waxa ay kicisaa dad badan oo aan xog fiican kahaysan waxa socda iyo sababaha kadambeeya

  1. Deg-degga xukuumadda ee dhamaystirka tirakoobka

Qorshaha diiwaangelinta ciidanku waxa uu u baahan yahay waqti iyo farsamo dheer waxaana muuqata in xukuumaddu dooneyso in ay waqtigii loo baahna mid kayar kana kooban ay ku qabato howsha diiwaangelinta ciidanka iyada oo la tixgelinaya duruufaha ciidanka, wada-shaqeynta maamul goboleedyada, saameynta Amni iyo gaabisyada farsamo ee jirta waxaa lagudboon xukuumadda in ay u hergeliso tirakoobka qaab tallaabo-tallaabo ah ayna siiso mudo ku filan qaybaha iyo xarumaha ciidanka laga diiwaangelinayo.

  1. Awoodda kooxda diiwangelinta

Askari katirsan Ciidanka XDS oo la diiwaangelinayo

Kooxda diiwangelintu waxa ay wajaheysaa culeys weyn oo dhinacyo badan leh sida Nabadgelyada, dhaqaalaha, Gaadiidka, qalabka, aqoonta, Shaqaalaha, Cilmibaaritsa iyo kala xirnaanshaha wadooyinka oo dib u dhac balaaran u keenay in si degdeg ah loo gaaro farimaha iyo jiidaha hore ee ciidanka XDS oo ku baahsan dalka oo dhan

  1. Handadaadda saraakiisha

Taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka laga billaabo taliska sare iyo taliyeyaashu horumuhu waxa ay handadaad ku sameeyaan madaxda kasareysa sida wasaaradaha ku lugta leh diiwaangelinta iyaga oo u sheega in ciidanku furimaha kasoo baxayo haddii diiwaangelin xilligan lagu xiro mushaar bixinta taas waxa si cad u muujiyey hadal uu RW Xasan Cali Kheye November-2018 ku sheegayey in madaxda ciidanka qaarkood ay hor istaagayaan tirakoobka ciidanka iyaga oo ka fiirinaya dano kala duwan.

  1. Cadaadiska Beesha Caalamka

Deeqbixiyeyaasha Soomaaliya ka taageera dhinaca nabadgelyada & dowladaha ciidamada ku kaalmeeya Soomaaliya ayaa waxa ay dowladda ku saaraan cadaadis ku saabsan tayada howlgelada ciidanka XDS, aqoonsiga tirada, ciidanka ka goosta XDS iyo qorshaha la wareegida amniga dalka kadib bixintaanka AMISOM taas oo ku qasbeysa xukuumadda in ay degdeg uga lib keento ugu yaraan tirokoobka ciidanka.

  1. Shakiga Qabaa’ilka iyo Maamul-Goboleedyada

Qabaa’ilka qaar oo ka shakisan isbedel kasta oo lagu sameeyo awoodda iyo ciidanka jira iyaga oo ka baqaya in miisaankoodii iyo saamiga ciidanka wax iska bedelaan una arkaya qorshe kasta oo diiwaangelin in laga leeyahay ujeedo lid ku ah qabiil iyo beel gaar ah, sidaas awgeed waxa suuragal ah in aad maqasho beel hebel ayaa ku badan ciidan oo waxa loo danleeyahay in laga saaro si loogu soo daro beelo kale, farriimahaas waxa ugu badan ee fidiya waa siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo ganacsato dhaqaale kasameeya ciidanka XDS

Dhinaca kale Dowlad-goboleedyada qaar oo u arka in si gaar ah loo beegsado deeganadooda iyaga oo isku dhererinaya kuwo kale oo ay ku andacoodaan in si isku-mid ah oo siman loo hirgeliyo qorshaha diiwaangelinta ciidanka Dowlad goboleedyo oo dhan.

  1. Maqnaanshaha kulamada guddiga Amniga Qaranka

Maqnaashaha shirarkii Guddiga Amniga qaranka oo muddo dheer qaadatay kaddib khilaafka macnelaawaha ah ee dhexmaray goboleedyada iyo dowlada dhexe ayaa sababay gaabis galay, madasha Amniga qaranku waxa ay muhiim u tahay ugu muhiim u tahay lafagurka nabadgelyada dalka isla fahamka hergelinta qorshe kasta oo saameyn toos ah ku yeelanaya amniga dalka

Isqancinta iyo wada-xiriirka, waxa kale oo ay xal u tahay kahortegidda dhammaan dacaayadaha iyo mala-waalka kusaabsan Amiga Dalka.

  1. Maqnaanshaha Qarashka howlgelinta ciidanka

Waxaa maqan Qarashka howlgelinta oo aan gaarin Qeybaha ciidanka, Ururadda iyo talisyada Ciidanka XDS marka laga reebo taliska dhexe, Qarashka howlgelinta waxaa loogu talo galay in ay ku maareeyaan howlaha kala duwan ee ciidanka sida arrimaha loojiystikada, dayactirka, dhismayaasha iyo howlaha guud, taasina waxa ay keentay in mararka qaar in la gacantogaaleeyo saadka iyo ka beensheegida tirada ciidanka si lacagaha dheeriga ah ka sokow musuq loogu socodsiiyo howlaha ciidanka.

  1. Is aamin la’aanta Musuqa

Is aamin la’aanta ka dhalatay Musuqa raashiinka iyo tirada ciidanka oo baahday ayaa sababtay in saraakiisha iyo quburada kale ee maamul, maaliyad iyo siyaasad ay ka gaabsadaan in ay wax talo ah ka dhiibtaan caqabadaha Qorshaha diiwaangelinta si aan loogu calaamadeyn in ay musuqa qeyb ka yihiin, halka ay u muuqato in talo kasta oo saxitaan loo aqoonsanayo mid qeyb ah sii socoshada musuqa.