Xog: Wasiiro iyo xildhibaano jahwareer galiyey howshii xarunta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in shaqooyinka halkaa ka socday ay qarka u saran yihiin inay galaan hakat, kadib Wasiiro iyo Xildhibaano Jahwareer galiyey howsha Gobolka Banaadir.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay buux dhaafiyeen Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar ‘’ Yariisow’’, oo la filaayo in dhawaan uu magacaabo Guddoomiyayaal Degmo.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa kala wata shaqsiyaad ay doonayaan in loogu magacaabo Guddoomiye Degmo, xili uu si hoose u socdo qorshaha lagu bedeli lahaa Guddoomiyayaashii uu horay u magacaabay Guddoomiyihii xilkiisa waayay Taabit.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa waxaa kaabaaya Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka oo saaxiibo dhow la ah Guddoomiye Yariisow, kuwaa oo qudhooda damac ka qaba in Guddoomiyayaasha cusub ay ku yeeshaan hal iyo laba Guddoomiye, wallow talaabadaasi ay carqalad galinkarto kursiga Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Gobolka C/raxmaan Cumar “Yariisow’’, ayaa balamo u kala qabanaaya mas’uuliyiinta inkastoo ay xogtu sheegeyso in qaarkood uu ugu tago goobaha ay degan yihiin si uu uga fal celiyo dalabaadkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka ayaa waxaa ka dhex muuqan doona xubno ay wataan Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka dowlada oo xiriir hoose la leh Yariisow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com