32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wasiiro qorsheynayo inay iscasilaan & xaalka siyaasadeed oo noqday mid…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in wasiiro dhowr ah ay korsheynayaan inay ku dhawaaqaan iska casilida xilalka ay ka hayaan xukuumada Soomaaliya.

Wasiirada qorsheynaya inay iscasilaad sameeyaan ayaa gaaraya 14 wasiir iyo 17 xubnoon oo ah wasiir ku xigeen iyo agaasimayaal, sida xogta lagu sheegay.

Sida ay baahisay Idaacada Kulmiye wasiirada ayaa la safan sida lawada og yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxayna doonayaan inay jawaab kaga dhigaan hadalkii Jawaari.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa heysta taageerada ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiirada xukuumada Soomaaliya, laakiin ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeyn shalay u muuqday inuu ka guuleystay madaxweynaha.

Wasiirada oo tan iyo xalay kulamo kala duwan yeelanayay ayaa waxay ugu dambeyn isku raaxeen inay sameeyaan iscasilaad si ay u fashilnaato xukuumada Soomaaliya.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News