Wixii xalay ka dhacay Villa somalia oo ay xukuumaddu ka shaleyneyso (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno dhanka Villa somlia ayaa sheegaya in kulan habeenimadii xalay halkaasi ka dhacay uu sababay heer gacan ka hadal ah.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in kulan wada hadal ah oo Villa Somalia loogu qabtay Madaxweynaha dalka iyo Ra’isulwasaare C/weli, waxaana la soo warinayaa in kulanka banaanka looga saaray wasiiro iyo xubno ka tirsanaa Baarlamaanka oo loo aqoonsaday inay Ololinayaan Siyaasada adag ee xiligaan ka dhaxeysa labada mas’uul, waxa uuna kulanka xalay noqday mid lagu kalakacay islamarkaana sababay gacan ka hadal.

Warar hoose oo aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha laga saaray Villa somalia, kadib markii laga cabsaday in halkaasi ay ka dhacdo foodo saf ah.

Amar kasoo baxay Taliska AMISOM ee ka howlgala Madaxtooyada ayaa waxaa lagu amray xafiiska madaxweyne Xassan in aan Villa somalia lagu qaban karin kulan sababi kara qalqal galin dhanka Ammaanka iyo Siyaasada, waxaana la tilmaamayaa in Saraakiisha AMISOM ay qaati ka taagan yihiin siyaasadaha cusub ee labadaani maalin ka taagan Madaxtooyada.

Go’aan kasoo baxay Taliska ayaa waxaa Madaxtooyada si kumeel gaar ah looga mamnuucay dhowr Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka kuwaasi oo aalaba ka shaqeeya Khilaaf ka dhex dhasha  Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Dhanka kale, Khilaafka madaxda ugu sareysa ee dalka ayaa cirka isku sii shareeraya iyadoo xiligan dowladda ay horyaalaan howlo aad u adag iyo u diyaar garowga doorasho xor ah oo dalka ka dhacda sanadka 2016, iyadoo khilaafkani uu shaki gelinayaa suurtogalnimada in doorasho xor ah dalka ka dhacdo sanadka 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com