Faarax oo lagu cadaadinayo is-casilid & Damu-jadiid oo qorshe dejisay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online)-Xog hoose oo aan ka helnay mid kamid ah wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in wasiir faarax c/qaadir lagu cadaadinaayo inuu iska casilo xilka loo magacaabay ee wasaarada Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.

Wasiirka aan xogta ka heleyno ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in kullan maanta ka dhacay Villa Somalia oo u dhaxeeyay Xubnaha labada gole ee Dam-jadiid ugu jira DF.

Wasiir Faarax ayaa isagu wacad ku maray inuusan la wareegi doonin dukumiintiyada iyo xilka wasaarada Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa, kadib markii Madaxweyne xassan uu diiday isku shaandheynta uuRa’isulwasaare c/weli ku dhaqaaqay.

Waxaa sidoo kale Madaxtooyada si xooli ah uga socdo kullamo u dhexeeya labada gole ee dam-jadiid uga jira DF,  suuragal ah in  Xasan Sheekh uu su rasmi ah u qaado tallaabo ka dhan ah Cabdi Weli.

Lama Oga halka uu kusoo biyo shuban doono khilaafyada u dhexeeyo Madaxweyne Xassan oo garab ka helaaya xubno ka tirsan dam-jadiid iyo Ra’isulwasaare c/weli oo taageero ka heysta xubno ka kala tirsan labada gole.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com