Maxaa kala socotaa sababaha keenay in Faarax C/qaadir xilka laga qaado?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faarax Sheekh C/qaadir), oo ah Shaqsiga ugu saamaynta badan Dowladda Fedaraal ah ee Soomaaliya, ayaa Xilkiisii ku waayay Isku-shaandhaynta Golaha Wasaaradda kadib markii Khilaaf weyn uu soo kala dhexgalay isaga iyo RW C/wali Sheekh Axmed.

Ilo Xog-ogaal ah ayaa sheegay in Khilaaf Faarax C/qaadir iyo RW C/wali Sheekh uu salka ku hayay Muranka ka taagan Hay’adda Garsoorka dalka oo isku qabtay in la hoos geeyo Wasaaradda Cadaaladda iyo inay madax-banaanaato.

Faarax C/qaadir iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Abukaate Ceydiid Ilka-xanaf ayaa waxay isku qabteen Shaqada Garsoorka in laga dhigo mid laga xukumo Wasaaradda Cadaaladda, waxaana Murankaasi uu gaaray Madaxda sare ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii danbe soo farageliyay Khilaafka, isagoo ku amray RW C/wali Sheekh in uu xaliyo Muranka iyo Isqab-qabsiga ka dhextaagan Xukuumadda, waase lagu gacan seeray.

Faarax C/qaadir ayaa loo magacaabay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, oo uusan Aqoonteeda lahayn, halka Wasiirkii xilkaasi hayay Saalim Caliow Ibroow laga dhigay Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya.

Bedelka lagu sameeyay Faarax C/qaadir, ayaa laga cabsi qabaa inay Tallaabadan ay Cirka ku shareerto Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka oo soo jiitamayay tan iyo Bishii September, iyagoo horey isku khilaafsanaa Xilka ka qaadistii Bishii July lagu sameeyay Sanbaloolshe, madaxii Nabad Sugida Qaranka.

Warar Hoose, ayaa sheegaya in Faarax C/qaadir oo Xubin ka ah Ururka Damu-Jadiid, sidoo kalena ah La-taliye qarsoon oo Xasan Sheekh uu Hadalka maqlo, ayaa la sheegayaa in uu Saacadaha ama Maalmaha soo socda iska casilo Xilka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, maadaama uusan ku qanacsanayn.

Waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaain isaga iyo madaxweynaha ay wax walba u huri doonaan sidii ay mooshin uga keeni lahaayeen ra’iisul wasaaraha, balse ma cadda taageerada ay u heli doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com