Xil ka qaadistii Faarax C/qaadir maxaa ka horeeyey, maxaase xigi doona (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilihii u dambeeyey waxaa labada mas’uul ee ugu sarreeya Dowaladda Federaalka ka dhex aloosnaa khilaaf soo shaac baxay bishii September ee lasoo dhaafay.

Khilaafka oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayey wuxuu cirka isku sii shareeray xalay kadib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu isku maan dhaafeen kulan ay madaxtooyada Villa Somalia ku yeesheen.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sida aanu wararka ku heleyno Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday inuu dib u dhigo isku shaandheynta uu ku sameeyey Golaha Wasiiradda, arintaasoo Cabdiweli Shiikh ka biyo diidey.

Ila wareedyo madaxtooyada ka agdhow ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh diidanaa in la bedelo Faarax Shiikh C/qaadir oo horay u ahaa Wasiirka Garsoorka haseyeeshee isku shaandheynta kadib noqday Wasiirka Xanaanada Xoola, Dhirta iyo Daaqa.

Faarax Sheekh oo ka tirsan kooxda Damul-Jadiid wuxuu kamid yahay shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ee had iyo jeer la taliya.

Warar hordhac ah haseyeeshee aan sugneyn ayaa sheegaya in Faarax Shiikh Cabdiqaadir saacadaha soo socda xilka cusub ee loosoo magacaabay iska casili doono.

Ra’isal Wasaare Cabdi Shiikh Axmed ayaa tan iyo intii uu xilkaan qabtey gacanta ku dhigey shaqada xukuumadda isaga oo Madaxweyne Xasan Shiikh ka diidey inuu faraha la galo arrimaha fulinta.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa warbixin uu dhowaan u gudbiyey Golaha Ammaanka ku sheegay in is qabqabsiga iyo khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada ah ee ka dhex dhaca madaxda Dowladda Federaalku caqabad ku yihiin horumarka dalka islamarkaana sababeen in qorshayaal badan oo la higsaneyey dib u dhacaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com