Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax Xoogan uu waxyar ka hor ka dhacay Wadada Maka Al-mukaramma.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka isgooyska Shaqaalaha, waxaana la sheegayaa in Qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari goobta yiilay, halka warar kaasi khilaafsana ay sheegayaan in lagu weeraray Maqaaxi lagu Magacaabo Barwaaqo oo ku taala Shaqaalaha.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay ilaa Seddex qof.

Ciidamada Ammaanka oo qaraxa kadib goobta gaaray ayaa waxa ay halkaasi ku qabteen darawalka waday gaariga qarxay, iyagoona ula dhaqaaqay dhanka xarunta baarista.

Dhanka kale, qaraxa ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili maalmihii lasoo dhaafay uu faraha kasii baxaayay Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com