Xog: Siyaasada Villa Somalia oo qasan & warar aan fiicneyn oo kasoo baxaya

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xarunta villa somalia uu xiligaani ka socdo kullan xasaasi ah oo u dhexeeyo Madaxweyne Xassan, xildhibaano iyo wasiiro uu kamid yahay Faarax c/qaadir.

Kullanka ayaa la sheegayaa inuu socdo ku dhawaad Afar saac, waxaana la soo warinayaa in kullanka uu yahay mid salka ku hayo Isku shaandheynta lagu sameeyay qaar kamid ah Golaha wasaarida.

Shirka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa lagu lafa gurayaa guul darada Madaxweyne xasan kasoo gaartay dhanka Ra’isulwasaaraha dalka kadib markii xilkii ugu muhiimsanaa Dam-jadiid ay ku waayen isku shandheyntaasi oo uu ku baxay Wasiirkii hore ee Cadaallada iyo arrimaha dastuurka Faarax sheekh c/qaadir.

Warar hoose oo naga soo gaarayo xarunta Villa somalia ayaa sheegaya in Dam-Jadiid ay isku baheesanayaan sidii xilka looga qaadi lahaa Ra’isulwasaare C/weli isagoo loo adeegsanaayo Isku shaandheyn.

Sidoo kale, Isku shaandheynta maanta dhacday ayaa waxaa ka horeeyay kullan xasaasi ah oo Villa somalia habeenimadii xalay ku dhexmaray Madaxweyne xassan sheekh iyo ra’isulwasaare C/weli waxaana la tilmaamayaa in shirkaasi uu xalay kusoo idlaaday Fashil.

Kullanka labada Mas’uul dhex maray oo dhinacyo badan ay kaga doodeen ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday fashil , waxaana warar aan helnay sheegayaan in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha fadhiga ku kala kaceen kulankii ay lahaayeena uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Dhanka kale, Siyaasada Madaxweyne xassan iyo ra’isulwasaare C/weli ayaa aad u xun waxaana laga cabsi qabaa in Ra’isulwasaare cabdi weli lagu tuuro mooshin, walow uu kalsooni buuxda ka heysto xildhibaanada iyo wasiiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com