Xog: Xagal-daaceynta DF ee shirka wada-tashiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in shirka wadatashiga aayaha Somalia ee ka socda Magaalada Muqdisho uusan aheyn mid hadaf Siyaasadeed laga leeyahay.

Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Cabdulahi ayaa sheegay in shirka uusan kasoo bixi doonin war-murtiyeed muujin doona in shirka uu kusoo dhamaaday guul kadib markii uu tilmaamay in madasha ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyo iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Cabdulahi waxa uu carabaabay in Maamulada ka maqan shirka ay kamid yihiin sida Awdal, Waqooyi Galbeed iyo Sool iyo Sanaag oo uu ku sheegay inay muhiim u yihiin Dowlada, balse aysan u nugleyn.

Waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay faquuq cad ku sameysay Maamul Goboleedyadaasi, waxa uuna carab dhabay in muhiim ay aheyd in lagu casuumo meelaha looga hadlayo Masiirka Umadda.

Dowlada Somalia ayuu ku dhaliilay in shirka ay isku soo koobtay waxa uuna tilmaamay in mirro dhalka shirkaasi uu noqon doono Fashil bacdamaa aan la eegin maslaxada shirka ayuu yiri.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Cabdulahi, ayaa soo hadalqaaday in wada hadalka Dowlada Somalia iyo Maamulka Somaliland uu yahay mid waxba kama jiraan iyo Ajandayaal qarsoon leysu dhiibaayo, isagoo Madaxda Soomaaliyeed ku eedeeyay in aanay rabin Midnimada Somalia.

Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Cabdulahi ayaa DF Somalia ugu baaqay inay daacad u noqoto dalka, waxa uuna ku celcelshay in Dowladu aysan daacad ka aheyn in Somalia ay ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com