DAAWO Sawirrada: Jubbaland oo Soomaaliya ku soo hoggaamisay ETHIOPIAN (Maxaa socda?).!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ciidamada Sierra Leone ay isaga baxeen magaalada Kismaayo ayaa waxaa jiray muran iyo khilaaf u dhaxeeyay Dowladaha Ethiopia iyo Kenya kaasi oo ku saabsanaa ciidanka badalaya kuwa Sierra Leone.

Dowlada Ethiopia oo ka duuleysa murankaasi ayaa waxa ay banaanka soo dhigtay suuragalnimad in Kismaayo ay u awoodo inay geyso inkabadan 2,000 oo Ciidamo ah, si mar un loogu suuragalin lahaa badelka Ciidamada Sierra Leone.

Muranka labada dal oo gaara heerkii ugu adkaa ayaa waxaa loo gudbiyay Hogaanka sare ee AMISOM oo iyagu markii danbe qalinka ku duugay in booska ay faarujiyeen Ciidamada Sierra Leone lagu buuxiyo Ciidamada Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa waxa ay iminka Saraakiil hordhac u ah Ciidamadaasi usoo dirtay Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo hogaamin doona Cutubyo Ciidan oo maalmaha soo socda kusoo wajahan Kismaayo.

Ciidamadaani ayaa la dajin doonaa baro cayiman oo halboole u ah dhaqaalaha Gobolka sida Garoonka, Dekada iyo Xarumo kale.

Maamulka Jubbaland oo saaxiib dhow la ah Ethioipia ayaa iyana sabab u aheyd in Ciidamada Ethiopia lagu buuxiyo Booska ay ka baxeen kuwa Sierra Leone, kadib markii ay IGAD ka dhaadhicisay in rabitaankooda uu yahay in Kismaayo la keeno kuwa Ethioipia.

e1e2e3e4e5