Guuleed: Mid ayaan looga adkaan karaa D/Jadiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii ugu horeysay sheegay in meesha laga saari karo shakigii laga qabay in koox gaar ah heysato awooda dalka (Damu-Jadiid), kadib hadal uu ka jeediyay shirka shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada ay sameeyaan latashiyo badan oo looga arinsanayo arimaha Soomaaliya si meesha looga saaro shakiga laga qabo in koox gaar ah maamulan karto Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wax wanaagsan uu ahaa furitaanka shirkii ka furmay magaalada Muqdisho kaasi oo laga soo saarayo go’aano cadeynaya qaabka lagu gaari karo doorasho ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2016.

“Haddii sidan loo wada kulmo mar walbaa waxaan aaminsahay iney meesha ka baxeyso shakiga laga qabo in koox gaar ah maamuleyso dalka, waana laga adkaan karaa kooxda, sida ay ila tahay haddii aan kaftamo”ayuu yiri Mr Guuleed.

Shirkii shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynayaasha afar maamul goboleed, seddexda masuul ee ugu sareyso dalka iyo xubno ka socday safaaradaha ku yaala Muqdisho iyo beesha caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com