Axmed MADOOBE: “Hal mid haddii la sammeeyo waan ka gudbi karnaa arrintan, waana in aan…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ku sugan magaalada Muqdisho kana qeyb galaya shirka looga arinsanayo doorasho ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2016 ayaa ka dhawaajiyay qorshe horumarka Soomaaliya lagu gaari karo.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay shirka ka furmay magaalada Muqdisho maalintii shalay ayaa sheegay in horumarka Soomaaliya lagu gaari karo in madaxda Soomaalida ay qaataan go’aan mideysan ayna ka tanaasulaan ku dhaqaaqida danaha gaarka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in haddii madaxda Soomaalida ayka shaqeeyaan danaha dalka Soomaaliya oo ah mid guud horumar wanaagsan laga gaari lahaa xaalada haatan uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya, sida uu Axmed Madoobe shaaciyay.

Xiliga hadalkaan uu jeedinayay Axmed Madoobe waxaa hareer fadhiyay madaxweynaha Puntland, Galmudug iyo Koofur Galbeed, waxaana hadalkaasi la dhacsanaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

“Hiigsiga 2016 waxaan ku gaari karnaa anaga oo si daacad ah u wadahadla, oo siyaasada gaar ahaaneed oo aan leenahay gadaal iska marinaa tan danta guudna aan ka shaqeyna”ayuuyiri Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland.

Hadalkiisa ayaa u muuqanaya mid lagu duray madaxda qaar oo lagu eedeeyo in danaha gaarka ah ka hormariyeen danta guud ee Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com