Xog: Axmed Madoobe oo arrin xujo cusub ah oo aan la fileyn la yimid shirka wada-tashiga Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo shirka wadatashiga siyaasadda ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shirku xaalad adag ku sugan yahay kadib markii ay maamulada Puntland iyo Jubba ay sheegeen inaysan ka qeyb qaadaneynin.

Qaadacaadda Puntland oo hadda waanwaan rajo laga qabo ay socoto ayaa haddana waxaa ku biiray maamulka Juba ee Axmed Madoobe hogaamiyo oo shirka la yimid qodob cusub oo u gaar ah in loo sameeyo, isagoo doonaya in dowladda Federaalka ay maamulka Jubbaland u aqoonsato maamul buuxa oo ka baxay kumeelgaarnimadii.

Arrintan ayaa la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh u caddeeyay wafdiga Jubba ee Axmed Madoobe inuu qaabilsan yahay Baarlamaanka Soomaaliya oo dhammaan maamulada buuxiyay shuruudaha federaalka ansixinaya ee aanay ahayd mid saxiix uga baahan isaga.

Arrintan ayaa keentay in Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ay shirka ka baxaan ayna sheegeen in haddii aan loo aqoonsan maamul buuxa aanay shirka qeyb ka sii ahaan karin. Xubno ka tirsan wafdiga Axmed Madoobe ayaa ku dooday in IGAD ay u aqoonsatay maamul buuxa oo aanay aqoonsi ka rabin dowladda federaalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa hore u caddeeyay inuusan jirin dowlad goboleed sax ah oo aan ka ahayn Puntland oo laf ahaanteeda u baahan is waafajin labada dastuur ee gobolka iyo federaalka.

Isha goobjooge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com