Puntland oo dib ugu noqoshada shirka ku xirtay 4 qodob (Laba ka mid ah oo aad loola yaabay).!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ka dhacay Villa Hargaysa ee Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas, Xubnaha ku wehlinaayay socdaalkiisa iyo Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ku jira Baarlamaanka ayaa waxaa lagu dajiyay qodobo ka kooban 4 oo Puntland u suuragalin karta inay dib ugu laabato shirka.

Kulanka Mas’uuliyiintaasi u dhexeeyay ayaa qaatay ku dhawaad 2 saac oo xiriir ah oo ay uga hadlayeen Arimaha Dalka, habka lagu gaari karo doorasho xor ah iyo waliba ilaalinta Dastuurka Dalka kaas oo Puntland ay marwalba ka cabato.

Xubno shirkaasi ka qeybgalay ayaa Caasimada u sheegay in shirkooda ay kasoo saaaren 4 qodob oo ay u arkaan xal suuragalinkara in Puntland ay ku raali noqoto shirka iyo wixii kasoo baxay.

Qodobada Mas’uuliyiintaasi ay isku raaceen ayaa waxaa kamid ah:

1 – In Maamulka Puntland aysan ka tanaasulin Mawqifkeedii ahaa Ilaalinta Dastuurka Dalka, ayna dooneyso in wax laga qabto.

2 – In Doorashada dalka lagu saleeyo habka xildhibaanada ay soo xulayaan Maamul Goboleedyada.

3 – In 18 Gobol ee Somalia ay ku yimaadaan xildhibaanada qaranka, oo aysan ku iman 4.5.

4-In la baabi’iyo dhamaan go’aamada aan waafaqsaneyn Dastuurka dalka, sida dhismaha Maamulka Galmudug, oo ay Puntland sheegtay inuusan sharci ahayn.

Qodobadaani ka kooban 4-ta ayey Puntland u cuskatay dib ugu laabashada shirka, inkastoo DF Somalia ay iyana ka hortimid, sida ay xogtu ku heleyso Caasimada Online.

Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia oo wadaqaatay kulamo gaar ah ayaa iminka wada dadaalo leysugu soo dhaweynaayo DF Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Lama saadaalinkaro in DF Somalia ay aqbali doonto qodobada kor ku xusan iyo inkale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqddisho
Caasimada@live.com