FIQI oo jawaab ku habboon siiyey PUNTLAND.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi, oo horay ugu soo tartamay qabashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa bixiyay jawaab u muuqatay inuu siinayo madaxda maamulka Puntland iyo talo ku wajahneyd madaxweynaha Galmudug Mr Guuleed.

Qoraal uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay ayuu ku sheegay in maamulka Galmudug xaq buuxa u leeyahay xaqa ay maamul goboleedyada kale sida Puntland ay leeyihiin ayna wanaagsan tahay inaan la xaqirin.

Qoraalka Taliyihii hore ee Nabad sugida Soomaaliya ayaa waxaa la dhadhansan karaa inuu weerarayo diidmada madaxweyne Gaas uu diiday inuu la fariisto xubnaha maamulka Galmudug, islamarkaana uu taageero kaga helay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe iyo Gaas ayaa sidoo kale waxay dhankooda muujinayaan iney kasoo horjeedaan gudiyadii doorashooyinka iyo xuduudaha oo ay ansixiyeen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

“Galmudug State, waxey xaq u leedahey inta maamulada dhiggeeda ahi xaq u leeyihiin, haddii aysan xaqqaas ka tanaasulin hoggaanka Galmudug iyo kan Soomaaliya.. Goobaha lagu gorfeynayo siyaasadda dalkana cidna lagama faquuqi karo”ayuu bartiisa Facebook kusoo daabacay Axmed Macalin Fiqi.

Xubnaha madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo madaxda dalka ayaa labadan maalin shir uu kaga socdaa magaalada Muqdisho waxaana wali taagan isfaham waaga dhanka madaxda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com