Villa Somalia oo aan xalay laga gam’in iyo Cabdi Weli Gaas oo go’aan cusub gaaray (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeenimadii xalay xarunta Madaxtooyada dalka ka dhacay shir 3 geesood ah oo u dhexeeyay Madaxweyne Xassan, C/weli Gaas iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Shirka ayaa bilaabmay cishaha kadib waxaana looga wada hadlay sida C/weli Gaas uu u dajin lahaa Xasarada Siyaasadeed si xal looga gaaro shirka wadatashiga oo la filaayay in maalinimadii shalay lasoo xiro.

Inta badan shirka ayaa waxaa qaatay xubnaha Beesha Caalamka oo iyagu dadaal ugu jiray sida War-murtiyeed leysla ogyahay looga soo saaro shirka.

C/weli Gaas oo isaga markii hore kasoo horjeeday in Maamulka Galmudug ay la fadhiistaan, ayaa waxa uu iminka go’aan ku gaaray in qodobkaasi uu ka tanaasulo, balse waxa ay mushkiladu tahay mid xal u baahan qodobada lagu soo daabici lahaa War-murtiyeedka.

Waxaa kaloo arrimaha la isku hayo ka mid ah qaabka uu noqonayo is bedelka imaanaya 2016, waxaana la doonayaa in is bedelkaas uu noqdo mid ka wanaagsan 2012, cida soo xuli doonta Baarlamaanka soo socda ee bedelaya Baarlamaanka hada jira.

Gaas ayaa isagu inta uu shirka socday ku adkeysanaayay 2 qodob oo ah cida soo xuli doonto Baarlamaanka cusub iyo in qodobada kusoo bixi doono War-murtiyeedka uusan noqon mid dhinac u liico.

Gaas waxa uu xalay ugu danbeyntii aqbalay in maanta ay dib ugu laabtaan shirka si loo soo xiro, balse waxa uu kasoo horjeestay in War-murtiyeedka qoridiisa ay gacan ku yeelato DF, badelkeedina ay qori doonaan wakiilada Beesha Caalamka.

Geesta kale, Maamul Goboleedyada ayaa u ololeynaya Xildhibaanada heer Federaal ay ka soo xulaan Gobollada iyo deegaanada ay mas’uulka ka yihiin, taasna waxay keeneysaa caqabad, maadaama aanay iyaga rabitaan shacab ku imaan, isla markaana ay adkaan doonta inay matali karaan masiirka umadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in soo xulida Baarlamaanka soo socda ay ku yimaadaan wada tashi guud, gaar ahaan Guddi ay ka kooban yihiin qeybaha bulshada, xukuumadda, baarlamaanka iyo maamul goboleedyada, waxaana taas qudheeda adkaaneysa sharciyadooda.

Xubnaha Beesha Caalamka ee qeybta ka ah shirka wada tashiyada ayaa wali arrinta ku dhex jira oo doonaya in xal la helo, waxaana kulamo gaar gaar ah la leeyihiin dhinacyada u socda shirka waxaana soo baxaya cadaadis lagu saarayo inay xal ka gaaraan arrimaha ay isku hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com